Idaacada BBC-da Oo Raali-Galin Ka Bixisay Warar Ay Si Khaldan Uga Baahisay Somaliland Iyo Golaada Qomiyada Oromada & Somalida. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Idaacada BBC-da Oo Raali-Galin Ka Bixisay Warar Ay Si Khaldan Uga Baahisay Somaliland Iyo Golaada Qomiyada Oromada & Somalida.
September 17, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews):- Idaacada BBC-da baahinteedi  Duhurnimo ee maanta ayay waxaa ay raali-galin buuxda kaga bixisay War si khalad ay u baahiyeen   kaas oo ku saabsanaa warbixin ay ka diyaariyeen halka uu ka bilaabmay colaada u dhaxaysa Somalida Itoobiya  Iyo Qoomiyada Oromada.

HALKAN KA DAAWO BBCDA OO RAALIGALINTAASI BIXINAYA;

Kaasi oo ay ku sheegeen in colaadaasi ay ka bilaabantay Somaliland  taasi oo shacabka Somaliland ku noqotay dhakafaar iyo in colaad shisheeya ay idacada BBCdu usoo rararyso Gayiga Somaliland

Talaabadan waa tii ugu horreysay ee ay raaligalin kaga bixiso war ay Somaliland ka baahisay, kaasi oo ay ciwaan uga dhigtay “Maxay salka ku haysaa colaadda Oromada iyo Soomaalida” lana soo geliyay mareegta www.bbcsomali.com gelinkii dambe Sabtida 16-ka Sept ayaa maqaalkaas lagu sheegay in colaaddani ka bilaabantay amma ay sabab u ahayd laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay Hargeysa dalka Somaliland.

COMMENTS
LINKS