Hidda-side Hore Oo Bidhaamiyay Taariikhda Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hidda-side Hore Oo Bidhaamiyay Taariikhda Afrika
September 22, 2017 - Written by Reporter:

Baadhitan lagu sameeyay hiddo sidaha qolfoofka dadyowgii hore ayaa loo isticmaalay in lagu ogaado taariikhda dadka Afrika ku noolaan jiray kumannaan sano ka hor.

Cilmi-baadhayaashu waxay eegeen hiddo sidaha hadhaaga 16 qof oo la sheegay in ay dunida ku noolaayeen kun ilaa siddeed kun ka hor.

 

_97976204_94bbb4cd-2a88-4130-968c-5ebfcfda3e9e

 

 

Xogta ayaa muujineysa in billowgii iyo faafitaanka beerashada dalagga uu saameyn weyn ku yeeshay hiddo sidaha dadyowga Afrika, si la mid ah kuwa ku noolaan jiray Yurub iyo Aasiya.

Natiijada daraasadda oo lagu daabacay jariiradda Cell, ayaa muujineyso in dadka asal ahaan lala xidhiidhiyo in ay degi jireen ayna ku noolaan jireen meelo kala duwan oo ah koonfurta Afrika.

Meelaha ay dadyowgaas ku noolaayeen waxaa ka mid ah bariga Afrika, gaar ahaan waddamada Malawi iyo Tanzania, waxayna ahaan jireen dad ugaadhsato ah, kuwaasi oo halkaa ku noolaa inta u dhaxaysay 8,100 iyo 1,400 oo sano ka hor.

Waxaase markii dambe saameyn ku yeeshay dadkii beeroleyda ahaa ee ka yimid galbeedka Afrika.

Daraasad dheeraad ah oo lagu sameeyay hiddo sidaha ayaa muujineysa in dadkii ugaadhsatada ahaa ay markii dambe ku dhex milmeen beeraleydii u yimid.

Cilmi baadhidda ayaa sidoo kale muujineysa in dad ka yimid Bariga Dhexe ay u soo haajireen qaaradda Afrika.

Boqolkiiba 38 dadkii xoola dhaqatada ahaa ee Tanzania ku noolaa 3100 oo sano ka hor waxa uu xidhiidh dhalasho kala dhaxeeyay beeraleydii ka timid dhinaca Suuriya.

COMMENTS
LINKS