|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkanka Akhri ; Maansada Cusub Ee (Dadku Aalle Maaha ) Ereyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga)
September 10, 2017 - Written by Editor:Halkanka Akhri ; Maansada Cusub Ee (Dadku Aalle Maaha ) Ereyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga) Qof kastaba aduunyada . Ogow waxaanad eegayn. Inuu kuula iman karo. Ileyn lama qaniinoo, Dadku aalle maahee. Xurmo intuu ku siiyiyo, Dhaqankaad ka aragtaa, Kaa khuseeya adigee; Ha is odhan ku qiimee, Intuu duunyo haystiyo , Qofku siduu u eeg yahay. Dabci la iska keeniyo, Is wanaajin ruux wada, Ha u raxlaynin adiguye, Is daad raacintiisani, Horta eeg waxay tahoo; Noqo ruux akhriyi kara, Ujeedada nin leeyahay.
Nacas lagama eed baxo, Kolay yaal agtaadee, Ka ku eeg yidhaayee, Sidii ceel ul kugu daya, Mid ka weyn adowgii, Adiguna ku yool baadh. Waa astaan gobeede,
Ha iloobin waligaa, Ruux abaal yar kuu galay. Geed kastana aduunyada In gubtaa ku taaloo Nina iin ma waayee Si,aan taada loo arag Astur ceeb qof leeyahay. Anbaqaadka geediga Haduu goosto aadmigu Inuu koro cirkaa sare Dhulka inaad hawaartaa Aday kugu tahayba liitiye Ku dadaal itaalkaa Halkuu aaday qayrkaa. Koley ooli mayside Ajal haday ka daran tahay, Ha agmarin xaqiiqdoo Allaa risiqa bixiyee Ha amaahin garashada Waligaa qof aadmiya , COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|