|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo kulan ku Dhex Maray Dubai Iyo Xogaha Kasoo Baxaya,
September 14, 2017 - Written by Editor:Dubai (wajaalenews) Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga ayaa Dhawaan Safar qarsoodiya ugu baxay dalka isku taga imaraadka carabta , wararka aanu ka helayno socdaalka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo xiligan ku sugan magaalada Dubia. Ujeedada safarka gudoomiye Muuse Biixi ku tagay Magaalada Dubia ayaa la sheegay in ay dalabkeeda lahayd shirkada DP WORLD kaasi oo wali si cad loo ogayn arimaha rasmiga ah ee ka danbeeya safarkan qorsoodiga ah balse warar dheerada oo aanu ka helayno socdaalka Gudoomiye Muuse Biixi ayaa tibaaxay in uu kulan qarsoodiya la yeeshay ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo isagu gadh wadeen ka ahaa in Somaliland ay timaado amaba la wareegto gacan ku haynta maarsada Berbera shirkada DP WORLD, Kulankan qarsoodiga ahaa ee dhex maray musharax Muuse Biixi iyo ganacsade Boore ayaa ahaa mid sida xogahani tibaaxeen mid qaatay mudo saacado ah kaasi oo ku soo dhamaaday natiijo la,aan kadib markii uu murashaxa Kulmiye ka dalbaday Cabdiraxmaan Boore in uu siiyo dhaqaale isla markaana uu u sheegay in uu fulin doono waxa ay ka dalbadaan hadii uu ku guulaysto talada dalka iyo sidoo kale in uu Somaliland degenaasho kasii doona ganacsadahan . Halka wararka qaarna tibaaxeen in isfaham dhexmaray, Sicadna looma oga ujeedooyinka iyo arimaha rasmiga ah ee ay iswaydaarsadeen labada masuul Ganacasde Cabdiraxmaan Boore ayaa ah nin ay si adag iskaga soo horjeedaan dawlada aynu jaarka nahay ee jabuuti kaasi oo ay u arkaan in uu yahay cadowgooda koowaad . Xidhiidhka gudoomiyaha kulmiye lasameeyay ganacsade Cabdiaxmaan Boore ayaan la garan Karin saamayn ay ku yeelan doonto xidhiidhka dawlada somlailand iyo dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti. WAJAALENEWS DESK DUBAI OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|