Gudoomiyaha Degmada Allay-baday Ee Gobolka Gabiley Oo Qoysaska Aroos Dhigta Habeenkii Ku Soo Rogay Sadex Milyan Oo Ganaax Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada Allay-baday Ee Gobolka Gabiley Oo Qoysaska Aroos Dhigta Habeenkii Ku Soo Rogay Sadex Milyan Oo Ganaax Ah
September 30, 2017 - Written by Reporter:

Allaybaday,(W,N)-Gudoomiyaha degmadda Allay-baday ee gobolka Gabiley ayaa amar kusoo rogay qoys kasta oo doonaya inay is aroostaan ,waxaana amray in meherka iyo duco lagu afmeero dhismaha qoysaska deegaankaas oo la iska dhaafo aroosyada habeenkii la qabsado.

Gudoomiyaha degmada Allay-baday ayaa lagu soo waramayaa in uu qoys kaste oo aroos dhigta wakhti habeenimo ah ku ganaaxa lacag gaadhaysa Saddex Milyan oo Somaliland Shilling ah,kaas oo qoyska kaste ku qasban yahay inuu bixiyo qadarkaasi lacaga.

Qof kasoo jeeda deegaankaasi Allay-baday oo u kuur galay arrinka ayaa wargeyska Waaheen u xaqiijiyay in booqasho uu todobaadkan ku tagay deegaanka Allay-baday uu kula kulmay qoysas aroosyo qabsaday lagu ganaaxay amarka gudoomiyaha degmadu soo rogay.

Qof deegaanka kasoo jeeda ayaa sheegay in uu la kulmay qoysaskaas qaarkood,isla markaana loo sheegay in toboneeyo Qoys ganaaxani ku dhacay,kuwaas oo s heegay in aan amarka gudoomiyaha hore loogu sheegin,balse talaabadan lagu qasbay inay fuliyaan.

Aroosyada ka dhaca tuulooyinka ama magaalooyinka ka baxsan caasimasdaha gobolada ayaa inta badan waxa aroosyada loo qabsadaa qaabkii dhaqanka ahaa ee habeenkii la isku soo gudi jiray ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka.

Sidoo kalena waxa caado u ah dadka ku dhaqan deegaanadaasi inay aroosyada u dhisaan qaab casri ah ,iyaga oo ay gabaabsi kaga jiraan caadooyinkii hore ee soo jireenka ahaa.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in ganaaxan ay codsadeen dadwaynaha deegaankaasi oo ay dhib badan kaga timi nidaamka loo dhiso aroosyada,gaar ahaan dadka danyarta ah oo iska bixin kari waayay qarashaaadka.

Dadwaynaha ayaa waxa la sheegay in ay maxkamadaha kasoo ansixisteen ganaaxan oo ah sida la sheegay mid la isku af gartay.

Ilaa hadda lama garanao sababta uu gudoomiyaha degmadu u cuskano ganaaxan lacageed ee dhan Saddex Milayn oo Shilling Somaliland ah.

 

.images9

 

COMMENTS
LINKS