Gobolada Maroodi-jeex,Togdheer,Awdal,Sool,Sanaag Iyo Saaxil Oo Si Wayn Looga Tukaday Salaadii Ciidal Adxa Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Oo La Tukaday Shacabka Gobolada Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gobolada Maroodi-jeex,Togdheer,Awdal,Sool,Sanaag Iyo Saaxil Oo Si Wayn Looga Tukaday Salaadii Ciidal Adxa Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Oo La Tukaday Shacabka Gobolada Dalka
September 1, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Waxa saaka bulshada caasimadda Hargeysa ay si wayn ugu dareereen soo tukashada salaadda Ciidal Adxa oo maanta oo bishu tahay 1.Sabtember.2017 laga ciiday dhamaan dunida islaamka ah iyo meel kaste oo dad Islaam ahi joogaan.

Waxaana bulshada caasimada Hargeysa ee u dareeray oogista salaada Ciidal Adxa ay ku tukadeen goobihii hore loogu tukan jirey salaadaha,waxaana bulshada caasimadda Hargeysa ay aad iskugu soo baxeen si ay u takadaan salaada garoonka kubada Cagta ee magaalada Hargeysa.

Bulshadii halkaasi iskugu soo baxday ayaa waxa wajiyadooda si wayn looga dheehanayey farxadda ay leedahay maalintan Ciiddu, iyaga oo si niyad iyo qalbi ah dadku ay iskugu salaameyeen ereyo ay kamid yihiin “CIID MUBARAK iyo MACAL CIIDAYN iyo CIIDAL CAAFIYA”,waxaana bulshadaasi la tukaday salaada,madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”, wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Caruurta iyo dhalinyarada ayaa waxa wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyo rayn rayn iyaga oo damaashaadaya suuqayada waa wayn ee Caasimada Hargeysa.

Sidoo kalena shabakada wararka Wajaalenews oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Wariyayaasha ku nool gobolada Togdheer,Saaxil,Sanaag,Sool iyo Awdal ayaa waxay noo sheegeen in maanta si wayn goboladaasi looga ciiday loona tukaday salaadii ciidal Adxa, bulshaduna ay iskugu soo baxday sidii ay usoo oogi lahayd salaadaasi ciidal Fidriga.

ciida

Waxaana naloo sheegay in bulshada goboladaasi ku dhaqan si wayn wajiyadooda looga dheehanayey farxad iyo rayn raynta ay leedahay maalinkani,sidoo kalena waxa bulshada goboladaasi la tukaday salaada wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Gabagabadiina dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa maanta si wayn looga ciiday munaasibada ciidal Adxa oo ah maalin ku wayn umadda Muslimiinta ah.

COMMENTS
LINKS