Garashada dahsoon ee dhirta…W/Q. Axmed-Nimcaan Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garashada dahsoon ee dhirta…W/Q. Axmed-Nimcaan Cali
September 26, 2017 - Written by Reporter:

dhirtu waxa uu ka bilaabmaa geed. Geedo isku qaab ah ama isku cimilo ah ayaa la yidhaah qoys.

Garashada dahsoon ee dhirta

Dhibica roobka ayaa hogaansha in ay suurto gal noqoto soo awaal baxa dhallaanka dhirta, walaw ay jirto marmar,  kaabayaal ka qayb qaata firidhka  iyo fogaanta dhallaanka, haddana mesha kama maqna xeerkii waalidnimo ee ahaa ogolaanshaha in agtiisa la joogo oo lagu koro.

Si ay u suurtowdo galitaanka hayaan dheer oo dhalaanku ku noolaado meel ka fog waalidka, waxa lagu gadaamaa iniinta inta ay yartahay qolof adag oo ka difaacda dhibaatooyiinka cimilo ee jira, haddana waxa saad looga dhigaa in lagu lifaaqo qalabkii caawin lahaa oo samayskiisu ku xidhanyahay hadba gaadiidka la raacayo, sida dabaysha, biyaha iyo noolaha kale.

Sida aadamaha oo kale qoyska dhirtu waxa uu ka bilaabmaa  geed.  Geedo  isku qaab ah ama isku cimilo ah ayaa la yidhaah qoys.  Qoys dhireedku waxa uu halgan u gala wada noolaanshaha , wada  shaqaynta  iyo is difaaca intaba in ay iska kaashadaan, mar mar waxaad odhaynsaa malaha  dhirtu qabyaalada way taqaan, marka  aad aragto  dhirtii isku  bahda ahayd oo kaligeed rabta in ay ku noolaato goob magacaaban.

Sidaa  aawadeed,  ku tartanka khayraadka dabiciiga ah ee uu Allaah(S.O.K) ku manaystay koonka waxa ugu loolan badan dhirta. Qoys dhireedku waxa uu ciidda kala baxaa macadnata uu rabo ee qaybta ka ah noloshiisa. dhulkana waxa ay ugala baxaan si u tudhid ah, hayeeshee mar iyo laba wixii ka badan goobtaa qoys dhireedku waa uu xaalufiyaa.  Inta  lagu gudo jiro nuugida nafaqada waxa la difaacaa goobtaa nafaqada laga qaadanayo  oo looma ogola in dhir kale oo intan ka badan ay dhulkaa u soo dhawaato, waxa  ay ku buufiyaan sun wixii ay u garan waayaan meeshaa.

Mar kale, waxa loolan loo gala kala hor helida ilayska qoraxda, tartanaka xaga tamarta iyo dabka waxa guulysta kuwa isticmaala xeelada ah isku marida jiridaha awoodaha  leh ee geed kale iyo soo hor baxida ama in uu geed ku ka dheeraad inta la nool oo uu hadheeyo, si looga hadho ama ay u dhintaan inta kale.

Khayraadka ugu daran ee helitaankiisa ay dhibaato badani ka dhacdaa waa biyaha. Si ay suurto gal u noqoto helitaanka biyaha waxa uu geed kastaa adeegsadaa awoodiisa u danbaysa.  hadba sida loo kala xeelad bato ayaa loo kala helaa biyaha, iyada oo ay caawinayso mudada uu jirayo  geedku. inta badan, geed gaabka oo cimriguusu yaryahay waxa uu aad u cabbaa biyaha, koriinkiisa waa dag dag,  hayeeshee, hore ayuu u dhintaa.

Xilliga  noloshiisa waxa dhex mara isaga iyo faca la nool ee tartan ku dhex marayo loolan culus.ugu danbayna waa la isla dhintaa, balse, haddii mid la jabiyo waxa uu ka bartaa cashar oo waxa uu galaa is difaac. isaga oo wax ka badala habkii uu waa hore u noolaan jiray. taa waxa  tusaale u ah dhirta ka baxda dhulbeereedka ee loo yaqaan haramaha marka mudo la buufiyo  waxa uu bilaabaa sika difaacid iyo in uu noloshiisa waxa ka badalo, taas ayaa keenta in hidda sidihiisa uu iska badalo, waxa u soo baxa ubad ama fac adkaysi u leh isbadalka nololeed ee hadda dhacaya.

Habka aroorka ee dhirta waa wayni waxa uu u dhacaa sida tan.

Aqoonyahanada qaar ayaa  ku dooda in garaadka geedku ku jiro  xididka, waxana ay taa ku cadeeyeen, habka maamul wanaaga  ee uu xididku maro ama uu u dhaqmo.

Inta uu geedku korayo waxa uu xooga saaraa xididka adag ee loo yaqaan adubdhexaadka, si geedka loogu hubsado dhulka suurtogalna ay u noqot iska caabinta dabaylaha  ruxaye iyo rujinta xoolaha ama dadka.

Labada qolo,  ee rujiyeyaasha ah (dadka iyo xoolaha) waxa ay iskaga difaacaan ur  qodax, dhadhan  iyo qolaf adag(jidhif). Xididka waxa afka hore kaga yaal wax u eeg koofiyad yar oo ka samaysan unugyo firfircoon oo wax dareema.

Si ay u suurtowdo aroorka biyaha ee geedku waxa amar la siiyaa xididada yar yar  eetiftaafyada loo yaqaan.xididadaasi waxa ay ku amranyihiin  in ay soo helaan biyo ama ay keenaan war sheegaya in biyo  meelahaa ka dhawyihiin.

Haddii uu xidid yari ku guulaysto  helitaanka biyha, waa uu soo nuugaa.  abaalkiisuna waa koriin iyo inuu waynaado oo uu balaadhiyo  awoodda soo nuugida ee biyaha.

Haddii uu xidid keeno war ah in biyo   meelahaa ka dhaw yihiin, hasee ahaatee ay jirto caqabad ah dhagax aan la dhaafi Karin, waxa amar lagu siiyaa xidida oo dhan in ay  dhagaxa dhinacyada uga wareegaan oo si uun loo dhaafo,  haddii lagu  guulaysto  wanaagsan, haddii se la kari waayo in la dhaafo  oo ay balaadhato baaxada uu ku fadhiyo dhaguxu, waxa la isku dayaa in loo diro xidid yar oo aad u tamar daran,  waxa na uu fooda saaraa dhagaxii,   waa uu taabtaa,  waxana la siiyaa aaladii iyo farsamadii uu ku daloolin lahaa dhagaxa, waxa uu raaca talaabooyin isku xigxiga, waxan ay u dhacdaa sida tan:

Salaam iyo is barasho kadib, xidiku waxa uu siiyaa  dhagaxa  dheecaan  oo uu kaga biiyo madax adayga(laaluush ahaan). Marka uu dhagaxu macaansado qoyaankan ayuu dabcaa oo uu si dhiibaa. Haddana waxa uu xididku kordhiyaa saamiga dheecaan ee uu siinayay,  waxana uu hore ugu dhaqaaqaa  in yar xaga  gunta.

Waxa aad moodaa marka uu xididku ku soo dhaqaaqo xaga gunta in uu leeyahay “aan quudiyo qayabahaaga kale ee haraadan”.  Markan waxa uu xididku u galay gudaha, waxana uu fahmayaa jihada ay  ka xigaan biyuhu. Marka ay suurtawdo in dhagaxa dhexdiisa la maray oo la helay jihadii biyaha,  waxa uu gudbiyaa war baxin ah in la helay biyihii,  markaa si loo hubiyo waxa uu gudbiyaa biyihii ugu horeeyay   ee shaagayay muunadii koowaad. In muunad  biyo ah la soo qaadayna waxa laga gartaa hadii geedku haraadana,  dhinaca uu xigo xididkaa biyaha soo qaaday, caleemaha qaybaas ayaa firfircoonaada oo cunto sameeya si kayd fiican loogu sameeyo xididkaa shaqada bilaabay ee keenay biyaha, waxana lagu abaal mariyaa  in isaga la balaadhiyo oo lagu gadaamo qolof adag, oo uu iskaga difaaco dhagaxa dhibaatadiisa, marka uu muddo sidaa u koro waxa meesha timaad laba midkood, in la dalooliyo dhagaxa oo sidaa lagu joojiyo koriinka xididka ama in dhagaxa lagu fido oo xoog lagu kala jabiyo dhagaxa oo meesha oo dhan lala wareego.

Waxa la yaab leh, sida aaanay waxba ugu tarin isu ekaanta  iyo mid nimada curiyeyaasha uu ka kooban yahay dhagaxu, waxa se dhexda ka jabiyay qaadashada aan xishoodka lahayn ee dheecaanka geedka.

Geedku ma moogana in uu leeyahay cadaw ku hareeraysan oo ah isla bahda dhirt ee kale sidii aynu hore u soo sheegnay,  waxa uu awood u leeyahay  in geedku is difaaco ama u dab xidh isku sameeyo  si aan loogu soo dhawaan.

Dhammaan dhirtu taa waa ay sameeyaan, se waxa ay ku kala duwan yihiin hadba habka iyo xeelada ay raacaan.

Marka aan eegno, sida tixraaca ku qoran, filimka laga diyaariyay sida ay dhirtu isku difaacdo waxa tijaaabo lagu sameeya qaar kamida dhirt qodaxda leh oo ay ugaadhi daaqday, kadibna  mid ka mida ugaadhu dhimatay, markii baadhitaanka lagu sameeyay waxa la ogaaday in geedku sii daayay ur, oo geedaha kale uu u sheegay in weerar la soo qaaday, dhirtii kalena ay difaac gashay.

Markii  ugaadhii ay u gudubtay geed kale ayaa  geedihii kale sii  daayeen maadada loo yaqaan methanol kadibna uu halkaa ku qudh baxay noolihii daaqaay dherta kal duwan.

Saynis yahanda qaar ayaa ku dooda, tusaale ahaan geedka qajidu kulaylka uu soo saaraa in ay tahay xaalad difaac oo uu isku ilaalinaayo. Halka aadamuhuna uga faa’iidaysanayo in ay dhadhansadaan ama abateedka u furto.

Dhinic kale marka aan ka istaagno nolosha dhirta,  waxa inoo muuqata in dhirtu tahay boqortooyo cajiiba ah oo deeq badan, waxana siisa uumane badan oo aan la koobi Karin,  mar haddii ayaanay cuntadeeda meel fog u doonan, waxa aad moodaa in ay nooloha kale ugu jirto madbakha(kijada) cuntada oo ay u heelantahay cunto siinta iyo u gargaarida caafimaad ee bulshooyinka kale ee la nool ama ku dulnool.

Maxaan ka baran karnaa boqortooyada dhirta?

1.      Meertada nolosha dhirtu waxa ay tusaale cad u tahay isa soo saarka aakhiro- sida uu quraanku tilmaayay- iyo sida uu u gaabanyahay  geediga nolosha aduunyo ee habboon in aan la isku ilaabin.

2.      Dhaxal reebka iyo ka fikirka aayaha jiilka soo socda, waxana cadayn u ah sida ay dhirtu u daryeesho dhallaankeeda (iniinta )soo awaal baxasya.

3.      Adkaysiga iyo la jaanqaadka hadba waayaha jira.

4.      Ka fogaanshaha isdhigashada iyo  mooganaanta,  waayo?  geedku isaga oo og baaxada biyaha ee uu helay ayuu kaydiyaa biyaha dheeraadka inta kalene waa uu tashiilaa.

5.      Ka dhabsheegida hadafka nololeed iyo ka gudbka caqabadaha nolosha inta ay doonto ha qaadatee.

6.      Isku xilqaanka in waxa laga taro nolosha cidda kula wadaagta koonkan(dhir,xayawaan iyo dadba).

7.      Abaal marinta iyo u mahadnaqida cidda danta guud waxa ka tarta iyada oo aanay eex iyo nin jelcaysi midna ku jirin.

8.      Ilaalinta xoriyada dhaqan dhaqaale ee bulshada aad ka tirsantahay.

 

W/Q. Axmed-Nimcaan Cali Maxamed.

Tixraaca.

1.      Qur’aanka(aaydo badan ayaa lagu tusaaleeyaa dhirta)

2.      Biology books(chapters/plant anatomy and physiology).

3.      How plants communicate/documentary/national geography/Youtube.

 

 

COMMENTS
LINKS