Duufaanta Maria Oo Shan Iyo Toban Qof Ku Dishay Jasiiradaha Caribbean-ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duufaanta Maria Oo Shan Iyo Toban Qof Ku Dishay Jasiiradaha Caribbean-ka
September 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la’yahay jasiiradaha Dominica ka dib markii ay ku dhufatay duufaanta Maria. ra’iisul wasaaraha jasiiradaha Caribbean-ka. ayaa mar uu ka hadlayay waxaa uu yidhi

_97966687_duufaantamaria

‘Waxay ahayd arrin mucjiso ah in dhimashadu aysan boqolaal gaadhin’ ayuu yidhi ra’iisul wasaare Rooseevelt Skerrit.

Duufaanta Maria ayaa ku dhufatay deegaanada Dominica maalinimadii Isniinta waxay burburisay boqolaal guri.

Waxay sidoo kale cagta marisay duufaantani Puerto Rico. taasoo sababtay in jasiiradaasi ay koronto la’aanta noqoto.

Waxaa burburay guryo badan iyo iskuulaad, sidoo kale waxaa go’ay isgaadhsiinta. korontaduna waxay ka maqan tahay cisbitaalo badan oo jasiiradahaasi ku yaalla.

Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa dadka deegaanadaasi u sheegay inay u guuraan dhulka sare ee ka baxsan meelaha ay daadadku ka dhaceen.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa inay roobab badan da’aan duufaanta ka dib.

Badhasaabka Jasiirada ayaa masiibadan ku tilmaamay ‘ Duufaantii ugu darnayd qarnigan ‘

COMMENTS
LINKS