|
|||||
WAJAALE NEWS
Duufaanta Irma Oo Soo Gaadhay Dalka Cuba
September 9, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Duufaanta Irma oo xawaare sare ku socota ayaa soo gaadhay dalka Cuba kaddib markii ay burbur lixaad leh ka soo gaysatay jasiiradaha Caribbean-ka. Xilligan la joogo duufaanta Irma oo wadata dabeylo culus iyo roob mahiigaan ah ayaa fara kulul ku haysa dalka Cuba, xilli ay duufaantu ka soo gudbayso waqooyiga jasiiraddaasi kaddib markii ay burbur ba’an ka soo gaysatay jasiiradaha Caribbean-ka. Hasayeeshee Jasiiradda Bahamas ayaanay inta badan wax yeelo gaadhin kaddib markii ay duufaantu ka yara weecatay. Mas’uuliyiinta gobolka Florida ee waddanka Mareykanka ayaa haatan waxa ay u sheegeen 5.6 milyan oo qof inay isaga tagaan guryahooda maadaama ay halkaas ku soo wajahan tahay duufaanta Irma, tiradan ayaa ah afar meelood oo meel dadka ku nool gobolkaasi. Dadka ku nool koonfurta Florida iyo kuwa ku nool dhulka ka fog xeebaha ee guryihiisa aanay wanaagsanayn ayaa loo sheegay inay aadaan goobaha ammaanka ah. Kooxaha saadaasha hawada ayaa saadaaliyay in duufaantu ay soo xoogaysan doonto ka hor inta aanay halkaasi ku dhufan wax ka yar 24 saacadood. Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Balan Qaad Muhiim Usamaysay Dhalinyaradii Laga Soo Celiyay Liibiya Ee Tahrii... DAAWO;-Maamulka Dugsiyada Nuuradiin Oo Shaaciyay Ardayda Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaanka Shahaadig... Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Sheegay In Ay Sharci Tahay Mudo Kordhintii G, Guurtidu, Loona Soo Gud... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|