|
|||||
WAJAALE NEWS
Duufaanta Irma Oo Ku Wajahan Gobolka Florida Ee Dalka Maraykanka
September 8, 2017 - Written by Reporter:Florida,(W,N)-In ka badan shan boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa billaabay inay ka qaxaan guryahooda, xilli gobolkaasi ay kusoo wajahantay duufaanta Irma. Dadkaasi ayaa u badan kuwa ku nool deegaannada ay khasaaraha baahsan ka geysan karto duufaanta, sida Florida Keys iyo Miami Beach.
Saxmad ballaadhan oo dhanka gaadiidka ayaa ka taagan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi, halka kaalimaha shidaalka ay intooda badan maran yihiin. Dowladda gobolkaasi ayaa ka codsatay xukuumadda Washington inay si degdeg ah shidaal ula soo gaadhto, isla markaana waxay howgeliyay ciidamada national guard-ka loo yaqaano, gawaadhida iyo diyaaradaha gurmadka. Balse cabsida ugu badan ayaa haysata jasiiradaha Turks iyo Kaykos ee hoos taga Britain, kuwaasoo saacadaha soo socda ay ku dhufan doonto duufaanta. Irma ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ku dhufato dalalka Cuba, Bahamas, halka maalinta Axada ahna ay soo gaadhi doonto Florida. Waxaa suuragal ah inay jiha kale abaarto, balse dadka ku nool gobolka Florida ayaa isu diyaarinaya xaalad waliba. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|