Doorasho Iyo Dooran Mayno! W/Q: Saamiya Muuse | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorasho Iyo Dooran Mayno! W/Q: Saamiya Muuse
September 23, 2017 - Written by Reporter:

Doorashu micnaheeda waa wax dooro! Ee maaha dooran mayno !
Waxaa aan rabaa inaan u sharaxo wax yar qolada afka ay kaga hadhay dooran mayno Askari ama hebel !

 

20431224_10155004259148925_5076099506051667698_n

Qof kastaa u xisbi ka tirsan aaminsan mabd’aka xisbigiisa waxa oo ku qasban yahay inoo taageero musharaxiisa, ku hadlo afka xisbigiisa, laakin xaq u ma lahaa inoo markasta ku hadaaqo musharax xisbi kale u yidhaahdo dooran mayno…!

Dooran mayno waa goorma :

Markaad tahay xisbi mucaarada u aad leedahay musharax waxa kuu banaan inaad tidhaahdid waan dooranayna Musharax hebel ama dooran mayno musharax hebel o ah musharaxa xisbigaaga , waayo waa xisbi aad adigu taageertid oo waajib ay kugu tahay doorashadiisa:.

Laakin xisbi kale musharaxiisa dooran mayno ….! Arin adiga kuu yaala ama kuu ooli kara maaha waayo xisbi walba wuxu leeyahay taageerayaashiisa dooran lahaa ! Umana baahna in adiga u xisbi kale ku jira lagu yidhaadu kala dooro waayo qof walibaa xisbiga u ka tirsan yahay iyo musharaxiisa ayoo taageera ama dooranayaa!

Waxa layidhi : xaafadi waxay xaafad u tagtaa waa xasarad..!

 

Qalinkii Saamiya Muuse

COMMENTS
LINKS