|
|||||
WAJAALE NEWS
Doon Ay Saarnaayeen Dad Tahriibayaal Ah Oo Ku Dagtay Bada Liibiya+Tiro Badan Oo Dad Ah Oo La La Yahay Iyo Tirada Dadka Maydadkooda La Helay
September 22, 2017 - Written by Reporter:Doonta ayaa badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, badda ayaa markii dambana ku soo tuftay agagaarka magaalada Zuwara saacadihii hore ee Arbacadii. Soddon iyo shan ruux oo doontaas ka badbaaday iyo siddeed mayd ah ayaa la helay sida ay saraakiishu sheegeen. Afhayeen u hadlay ciidammada badda ee Liibiya ayaa sheegay in dhammaan dadka soo badbaaday ay ka soo jeedaan dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya. Liibiya ayaa ah marin caan ah oo ay adeegsadaan tahriibayaasha isku dayaya in ay gaaraan koonfurta Yurub iyaga oo badda sii maraya. Baddankood waxaa la saaraa doomo aan u qalmin in ay badda ku safraan, kuwaas oo dadka wax tahriibiya ay marka dambe kaga dhuuntaan badda Mediterranean. Related posts:Xulka Dalka Argentina Oo 3;0 Kaga Badiyay Xulka Dalka Croatia, Iskana Xaadiriyay finalka Koobka Aduu... Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technologyada Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qaabka Casriga ah ee Kaydinta... DAAWO;-Televisionka Al Carabiya Oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Layeeshay Wasiirka Arimaha Gudah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|