Diyaarado Nooca Qumaatiga U Kaca Ah Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Dul Heehaabayay Deegaano Somaliland Kamid Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarado Nooca Qumaatiga U Kaca Ah Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Dul Heehaabayay Deegaano Somaliland Kamid Ah
September 28, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Saddex Diyaaradood oo lagu sheegay kuwa Qumaatiga u kaca, ayaa Habeen hore illaa Shalay Waaberigii dul-heehaabayey deegaannada hoos taga Degmada Lughaya Gobolka AWDAL.

 

diyaarado badhan

Waxaana xoguhu noo sheegeen in diyaaradahan la arkay Abbaaro 11-kii habeenimo, halka mar kalena la arkay Salaaddii Subax ka dib, iyagoo joog hoose ku duulaya, taasina ay Argagax iyo baqdin ku ridday Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi, maaddaama Bil ka hor Diyaarado Joog hoose ku duulayaa Rasaaseeyeen Dad ku sugnaa deegaano hoos yimaada Gobolka Selel.

Sidoo kalena waxa la sheegay in diyaaradahan oo ay ku jirto mid weyn oo ah kuwa Qumaatiga u kaca ay fadhiistay deegaan ku dhow halka lagu Magacaabo Gargaara Bari.

Sidoo kalena waxa xusid mudan in diyaaradd nooca qumaatiga u kaca ah ay shalay galinkii hore abaaro 9 subaxnimo la arkay iyada oo dul maraysa xaafadda Kilidhka ee magaalada Hargeysa, Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan xaafadaasi oo diyaaradan arkay.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay kasoo kacayaan diyaaradahani,waxaana ilaa hadda aan la garanayn sidoo kale waxay diyaaradahani ka baadhayaan deegaanada gobolka Salel,iyada oo ay dhawaan uun ahayd kadib markii deegaan hoos yimaada gobolka Salel ay duqeeyeen diyaaraddo nooca dagaalka ah,halkaasna ay ku dileen neef xoolo ah oo ah Geel halka mid kalena ay ku dhaawaceen.

Xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Awdal ayaan iyagu ilaa hadda ka hadal arrinkan diyaaradaha.

 

COMMENTS
LINKS