Dhacdooyinkii Xiisaha Badnaa Ee Qaad La’aanta Hargaysi Keentay W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdooyinkii Xiisaha Badnaa Ee Qaad La’aanta Hargaysi Keentay W/Q: Cali Cabdi Coomay
September 22, 2017 - Written by Reporter:

Hudheel cuntada laga cuno, gaar ahaan habeenkii ayuu noogu soo galay nin qaad ruuge ahaa, markaasuu dalbaday nafar cunto ah, dabadeed muddo

CALI(39)
Dhacdooyinkani waa qaar ay ku kaceen muqayiliintii ku walaftay cunisa qaadk ee uu dhiigooda raacay mudadii toddobada cisho ahayd ee qaad la’aantu Hargaysa ka jirtay. Waxa aan si joogto ah u diiwaagelinayey ficilada ay ku kacaan qaad ruugayaashu, mudadii uu dhiigooda ka maqnaa cunsitii qaadkii quutal daruuriga u ahaa. Halkan waxa aan ku soo ururiyey dhacdooyinkii aan la kulmay:

= Hudheel cuntada laga cuno, gaar ahaan habeenkii ayuu noogu soo galay nin qaad ruuge ahaa, markaasuu dalbaday nafar cunto ah, dabadeed muddo 3 miridh ah ayuu cuntadii ku laastay sidii nin waalan, haddana mid kale ayuu dalbaday, sidii sidii ayuu deg-deg u dhameeyey, ilaa uu afar nafar goobtii ku cunay.

Waxa aan si hoose ugu idhi,” ma qaadka ayaa cuntada kaa xidhi jiray, kuye nacam cuntaba imika ayaa igu horaysay”. Bal waa taase caano ka dhan.

= Cabbaaro 7:30 aroornimo agagaarka khayriyada Hargaysa nin ka mid ahaa dadka qaad cunistu dhiiga iyo lafaha ka gashay, ayaa meel dadku marayey  kaadi isla-taagay, la yaab, mise qaar garanayey ayaa kexeeyey oo ku yidhi waar waa sidee, aakhrikii wuxuu sheegay in aanu is-ogayen.

= Suuqyadii Hargaysa oo muqayiliintii isugu soo baxeen oo buux dhaafay. Markii ay suuqyadii u soo baxeen waxa batay kaftankoodii, taasina waxa ay keentay dagaal gacan-ka-hadal ah. Kolba laba nabarro is-gaadhsiiyey ayaa saldhiga la geeyaa.

= Qaad ruugayaashii ayaa dareemay in ay arradan yihiin markii ay dibada uga soo baxeen merfishyadii ay hadh iyo habeen ku qayli jireen, ka dib waxa ay bilaabeen in ay bacadlayaashii dhar ay xidhaan ka doontaan, markaa waxa ay indhahaygu qabanayeen kooxo muuqaal ahaan iyo dhar ahaanba dayaca badani ka muuqdo oo dhar iibsanaya, taasina waxa ay keentay inuu kor-u-kaco suuqa bacadlayaashu.

= Caadi ahaan dumarka reer Hargaysa waxa ay guryaha hortooda soo fadhiistaan galabtii, dabadeed waxa kolba guri ka soo baxa nin muqayil ahaa oo jaad la’aantii hurdo gelin dambe bilaabay, markaasay dumarkii kolba arkaan nin guri ka soo mudh leh, ka dib waxa ay bilaabeen sheekadan:  naa heblaayo muxuu ahaa ninkan gurigan ka soo baxay”, naa waa ninkii heblaayo, naa walaal show waa nin yar, haa oo hore maan u arkaynba, waa run oo qaad la’aantii ayuu la seexday.

= Is-fahan la’aan ka dhex dhalatay qaad ruugayaasha iyo dadka aan qaadk cunin. Aroortii yo gelinkii dambe waxa hudheeladii ama makhaayadihii soo wada fadhiista muqayiliintii iyo kuwii aan qaadka cuni jirin, markaasaay muqayiliintii bilaabeen qaab-sheekaysigii mefrishyada ee ku salaysnaa in aan la is-dhegaysan oo qof kastaa hadlo, taasina waxa liqi kari waayey kuwii aan qayili jirin ee sheekaduu ahayd in marba qof hadlo. Halkaasi markay arrintu marayso ayey kuwii aan qayili jirin bilaabeen in ay ka aag-beddeshaan goobtii ay fadhiyeen muqayiliintu, aakhirkii waxa goobtii isugu soo hadhay muqayiliintii markaasaay goobtaasi isu rogtay mefrish bilaa qaad ah.

= Muqayiliintii suuqyad u soo baxday oo kaftan af-xumo weheliso kula kacay dumarkii suuqyada marayey. Noocyada hadallada ee ay kula kaceen dumarka waxa aynu ka xusi karnaa: Naa ma waxaasi ayaad bannaan la seexataa, waxaad u qurux badan tahay lugaha ama sii jeedka IWM.

= Sheekh Masaajid khudbad ka jeedinaayey jimcihii ayaa isaga oo ka hadlayey xaalada muqayiliinta yidhi” nin ayaa gurigiisii tegay fiid ay carruurtiisii soo jeedo, markaasuu arkay gabadh uu dhalay, balse ay ugu dambaysay iyada oo yar, markaasuu garan waayey, ka dib xaaskiisii ayuu ku yidhi, naa gabadhina maxay ahayd? Xaaskii ayaa ugu af-celisay waa inantaadii heblaayo, isaga oo khajilsan ayuu ku af-gobaadsaday oo sowtan weynaatay.

= Nin muqayil ah oo wata baabuur yar oo ahaa tagsi Garande ayaa kaab is-goys gaadhigii digada kaga dhigay, markii lagu soo xoomay ee la weydiiyey waxa helay, kulahaa, “ maan arkaynba, xaraaro awgeed”.

= Nin muqayil ahaa ayaa salaadii makhrib doonay inuu iska hoydo, markii uu baskii kaga degay gurigiisa agtiisa, ayuu toos u tegay halkii ay xaafadiisu ahayd, guri ku dhegan gurigiisa ayuu garaacay, waxa ka furtay gabadh, “adeer maxaad doonaysay? Miyaanu gurigii ahayn? Gurigee?, maya adeer gurigaagii waa kan nagu dhegan. Alla adeer raali ahow.

= Nin ka mid ahaa dadk aroortii qaadka ku qureecda ayaa aroor dhaweyd koob shaah ah ka soo qaatay makhaayad aan joogay, markii uu la soo dhaqaaqay koobkii ayuu shaahii janjeedhiyey, ka dib shaahii ayaa si aayar aayar ah u daadanayey, muu se dareemin, mise wuxuu ku war helay  waar shaaha toosi, wuxuu ku jawaabay waa xaraaradii qaadka aroortii.

= Masaajidadii salaadihii casarka, makhribka iyo cishaa’iga ayey muqayiliintii buux dhaafiyeen. Waan wakhtiyadii ay qaadka u fadhiyi jireen.

= Waxa ay sheeko dhexmartay muqayiliintii iyo xaasaskoodii taariikhda markii ugu horaysay, waayo intii hore wakhtiba isumay heli jirin. Jadwalka wakhti ee muqayilku waa inuu habeenkii iyada oo xaaskiisu iyo carruurtiisu hurdo uu yimaado, aroortiina iyaga oo xaasasku qadadii karinayaan, carruurtuna iskuuladii ku maqan yihiin ayuu toosayaa.

=Dumarkii oo goob kasta iyo goor kasta ay ragoodii muqayiliinta ahaa wadnaha ku cadeeyeen in ay cunto dheeraad ah u kariyaan, waayo qaadku cunto cunista ayuu yareeyaa.

= Muqayiliinta oo qosolkoodu batay, waayo mirqaanku wuxuu xidhaa qosolka dabiiciga ah. Waxaad goob kasta kula kulmaysaa muqayil qoslaya, oo kolba soo saaraya ilko aabohood goblamay oo isku darsaday madow iyo jajab.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

COMMENTS
LINKS