Dad Qaxooti Ah Oo Lagu Laayay Dalka Kongo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Qaxooti Ah Oo Lagu Laayay Dalka Kongo
September 17, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa,(W,N)-Qaramada midoobay ayaa ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo oo lagu dilay qaxooti Kasoo jeeda burundi.

 

_97835589_86d74ff0-bf14-452e-b8a1-4212a3ce6856

Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO wuxuu sheegay in Ciddamada Amaanka ee dawladu ay toogteen 37 qof oo qaxooti ah ayna dhaaweceen 117 kale.
Florence Marchal waa ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobeay ee dalka Kongo, iyada oo ku sugan magalada Kinshasa ayaa waxay ugu baaqday ciddamada Ammaanka in ay xaalada xakameyaan.

Hal askari ayaa lagu dilay dhacdadan kadib markii qaxootiga ay dibadbax ka sameyeen afar qof oo reer burundi ah oo Kongo laga tarxili rabay.

Jimmy Nemeyimana waa qaxooti ku nool xero ku taala magaalada Kamanyola oo ah halka colaadu ay ka dhacday. Waxaa u sheegay in sarkal maxali ah u halkaasi booqday maalmo yar uun ka hor, waxaa uuna sheegay in xukkumadu ay ka war hayso waxaa halkaasi ka socday.

Dhankakale,Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay in ciidamada ay qarqiyeen qaxootiga oo dhagax kala daalay.
Boqolaal kun oo qaxooti reer Burundi ayaa dalkooda isaga qaxay kadib markii colaad ay dalkaasi ka bilaabatay kadib go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay in xafiiska uu mar saddexaad u tartamo.

COMMENTS
LINKS