Dab Xoogan Oo Goor-dhawayd Ka Kacay Suuq Ku Yaala Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dab Xoogan Oo Goor-dhawayd Ka Kacay Suuq Ku Yaala Magaalada Muqdisho
September 2, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in dab xoogani uu goor-dhawayd ka dhacay Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa  in uu ku sii fidayo goobo hor leh oo ka mid ah isla suuqa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabkan oo markii hore ka kacay qeybta dharka lagu iibiyo uu hadda ku sii fidayo qeybo kale oo isla suuqa ah, waxaana goobta ku sugan dadweyne isaga kala yimid

Xaafaddaha magaalada Muqdisho iyo ganacsatada oo ku howlan sidii ay alaabahooda uga badbaadin lahaayeen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay dabkan balse waxaa goobtaas gaadhay gawaadhida dab damiska.

Wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa..

COMMENTS
LINKS