DAAWO ; Nuxurka Kulan Xasaasiya Oo Dhexmaray Siyaasiyiinta, Madax Dhaqameedka Beesha Subeer Awal Iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Nuxurka Kulan Xasaasiya Oo Dhexmaray Siyaasiyiinta, Madax Dhaqameedka Beesha Subeer Awal Iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco .
September 17, 2017 - Written by Editor:

“Waad Mahadsantihiin Hadad Noo Timadeen Oo Na Fasaxdeen”. Waxgaradka Bariga Burco

Burco-(W,n) Siyaasiyiin miisaan culus iyo madaxda dhaqanka beelaha Subeer Awal ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay in kabadan 100-xubnood oo ka soo jeeda beelaha bariga Burco, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo waxgarad.

Martiqaadka oo ka yimi dhinaca beesha Subeer Awal waxay dulucdiisu daaranayd ergo ay ugu yimadeen beesha bariga Burco,  iyagoo u cadeeyay in aanay cidna u xidhnayn isla markaana shacbiga degaanadaasi ay codkooda xor u yihiin, una codeeyaan cidii ay u arkaan inay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dan u tahay, isla markaana aanay jirin wax laga faa’iidaayo in laba qabiil iyo hanaan qabyaladaysan lagu saleeyo doorashada, taasna ay ergo iyagu u yihiin una arkeen danta Somaliland inay sidaa ku jirto.

beesha bariga burco iyo subeer awal

Waxaana madaxdii dhaqanka ee hadhimo sharafeedkaas ka hadlay kamid aha cuqaal tiro badan, ugaasyo iyo  Saladiin ka soo jeeda  degaanada Saaxiil, Togdheer, Hargaysa iyo Gabilay. Kuwaas oo dhammaantood ugu baaqay waxgaradka beelaha bariga Burco inay fasax u yihiin codkooda, hanaanka dimuquraadiyada Somaliland qaadatayna uu dhigaayo in aan qabyaalad wax lagu dooran, qof kastana u codeeyo cidii uu dan moodo.

Geesta kale waxa iyaguna madashaas ka hadlay Boqoro, cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada bariga Burco, kuwaas oo ka aqbalay dalabka uga yimi Madaxda Subeer Awal, waxayna uga mahadceliyeen martiqaadka iyo baaqa ay soo gaadhsiyeen ee ah inay fasaxan yihiin, sidoo kale waxay cadeyeen inay wixii qaranka Somaliland ku midoobaayo ay ku codayn doonaan. Kulankaas ayaa ku soo dhammaaday jawi is faham oo dhexmaray labadii dhinac.

COMMENTS
LINKS