|
|||||
WAJAALE NEWS
Cadeyn Cusub Oo Loo Helay Tuulooyin Ay Degan Yihiih Muslimiinta Rohingya Oo la Gubayo.
September 15, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Hay’adda Amnesty International ayaa sheegeysa inay cadeymo u heyso in ciidammada ammaanka Burma ay ku gubeen tobanaan tuulooyinka muslimiinta Rohingya ah gudaha Myanmar. Hay’adda ayaa ku boorisay dowladdu Burma inay furto gobolka Rakhine si ay u gaaraan hay’addaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka qaabilsan. Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangalisay sawiro lagu qaaday dayax gacameedka oo muujinaya dab ballaaran oo u muuqda inuu yahay ol-ole cad oo isir sifeyn ah. Qof goobjoog ah oo hadda ku jira xero qaxooti iyo muuqaalo lagu qaaday mobil-ke gacanta iyo hadalad aay sheegayaan dadka waliku sugan Myanmar ayaa muujiyay arrintaan. Waxa ay Amnesty xaqiijisay in ciidammada dowladda Burma iyo kooxa iskood isku abaabulay ay u adeegsadeen gaas iyo hub gubitaanka tuulooyinka muslimiinta Rohingya iyo leynta dilka dadkaasi deegaanka aha guu ahaan. Ciidammada ayaa sheegay in ol-olahooda uu ku dhan yahay maleeshiyaadka Rohingya kadib weeraro is xigxigay ay kusoo qaadeen maleeshiyaadkaasi, balse aysan u dan lahayn shacabka. SOURCE BBC Related posts:Daawo: Labada Xildhibaan Ee Dumarka Kaga Jira Golaha Oo Maanta Casuumad Balaaadhan oo Ay Isku Calool... Agaasimaha Dalada SONYO Oo Dalka Loogu Soo Dhaweeyey, Kana Warbixiyey Safarkiisi Dalka Maraykanka Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Bulshada ku Wargaliyay In Dib loo furay Xafiiskii Ka Garnaqa Dacwada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|