“Cabdillahi Cirro Ilaa Siyaad Barre, ilaa Tan Axmed Siilanyo Mucaarid Kumuu Noqonin Hadii Muuse Biixi Uu Madaxwayne Noqdana……”MUJ CALI GURAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cabdillahi Cirro Ilaa Siyaad Barre, ilaa Tan Axmed Siilanyo Mucaarid Kumuu Noqonin Hadii Muuse Biixi Uu Madaxwayne Noqdana……”MUJ CALI GURAY
September 3, 2017 - Written by Editor:

MUJ Cali guray ayaa ka Dareen Celiyay weedho Wasiirkii hore ee arimaha gudaha xukuumadii Daahir riyaale Cabdilaahi cirro kusoo bandhigay arimo cul culus kuwaasi oo uu ali guray ku sifeeyay in uu ku durayo murashaxakulmiye ee xiligan muuse bixi isagoo qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooga kaga hadlay wuxuna udhignaa sidan;

CALI GURAY

Cirro-150x150

Sheekadu Ma Muuse Biixi xamar buu inagu wadaabaa? Waa maxay xikmaddu hadii aanay sidaa ahayn ilayn xukuumadda waxa u hadhsan laba bilood oo maaha halka loo socdaa iyada eh. Cabdillahi todoba sanadood bay jirtay xukuumadani oo aanu hal maalin dhaliilin hadii mucaarid ku yahay hadii sheekadu muuse tahayna ma sii ridna oo wada hadalba haadkaasaa ka hadhay. Cabdillahi ilaa siyaad barre ila tan axmed siilanyo mucaarid kumuu noqonin hadii muuse biixi uu madaxwayne noqdana aniga ayaa huba ku noqon maayo mucaarid ee wuxu mucaarid ku yahay inta aan la gaadhin doorashada ee muuse biixi uu musharaxa yahay. Macaarid xukuumadeed waynu arki jirnay mucaarid musharaxna maanta waa kow oo waa muuse-diidka eh maaha xisbiyahan waddani ah. Hadii ilaahay muuse biixi inu madaxwayne noqdo doonay wuu noqon sanka ayaana u daloola cid kasta waayo ilaahay ayaa xadiithul qudsi inoogu sheegay oo yidhi” ilma nebi aadanow idinuna waa doontaan aniguna waan doonaa mana noqonayso ta aan anigu doono mooyee tu kale

COMMENTS
LINKS