|
|||||
WAJAALE NEWS
Booliska Dalka Argentina Oo Toogtay Shimbir Darogo U Waday Xabsi
September 3, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Booliska waddanka Argentina ayaa waxa ay toogteen shimbir daroogo u wadday xabsi, waxaa sidaasi sheegay mas’uuliyiinta xabsiyada ee dalkaasi. Shimbirta ayaa waxaa lagu arkay iyadoo dul duulaysa xerada jeel ku yaal magaalada Santa Rosa ee ku taal bartamaha dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ay ogaadeen in shimbirtu ay dhabarka ku sidday boorso yar oo ay ku jiraan dawooyinka la isku dajiyo, xashiishad iyo cajalad kumbuyuutar. Qaabkan tahriibinta ayaa hore looga hortegay waxaana ku socday baadhitaan, sida uu ku warramayo wargeyska, Clarín, dalkaasi ka soo baxa. Boolisku waxa uu daabacay sawirka shimbir dhimatay oo dhabarka uu kaga xidhan yahay boorso yar oo ay ku jiraan 44 kaniin oo ah kuwa la isku dajiyo ee Rivotril, xashiishad uu miisaankeedu gaadhayo 7.5g iyo cajalad kumbuyuutar. Adeegga Jeelasha Argentina ayaa ka digay 2013-kii in dadka ka shaqeysta maandooriyaha ay maalintii 10 ilaa 15 jeer daroogo ku qaadaan shimbiraha. Saddex qof ayaa la xidhay halka 15 sgimbirood la qabtay kaddib baadhitaan la sameeyay 2013, sida uu sheegay wargeyska Clarín. Bilowgii sanadkan shimbir dhabarka ku sidday 178 kaniin oo daroogo ah ayaa lagu qabtay meel u dhaw xuduudda uu dalka Kuwayt la leeyahay waddanka Ciraaq. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|