|
|||||
WAJAALE NEWS
Bandhig Carweedka Buugaagta Oo Maalintii Labaad Ka Socta Magaalada Muqdisho + Sawiro
September 14, 2017 - Written by Reporter:Muqdisho(W,N)-Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho Bandhiga Carwada buugaagta oo sanadkii Saddexaad lagu qabanayo Muqdisho. Munaasibadan oo ah mid siweyn loo soo agaasimay ayaa furintaankeedii waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, xubno ka socday beesha caalamka, dadweyne fara badan oo u badnaa dhalinayo wiilal iyo gabdho isugu jira. Bandhiga sanadkan ayaa lagu martiqaaday Aqoonyahano, Xirfadlayaal, Qorayaal iyo Dad kale, kuwaas oo soo bandhigga buugaagta ay Qoreen, waxaana ka faa’idaysta buugaagta ay soo bandhigaan dadka ka qeyb galayaasha ah. Carwadda bandhigga buugaagta ayaa lagu tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay wax badan oo aqoon ah ka faa’iidaystaan, iyadoo la ogyahay in magaalooyinka qaar ee dalka soomaaliya laga bilaabay bandhig noocaan ah sida Hargeysa iyo Garoowe. Waxaa la filayaa in maalinta berri ah la soo afjaro bandhigan Carawada buugaagta, iyada oo lagu wado in ay ka qeyb galaan madaxda ugu sareysa ee dalka soomaaliya. Related posts:Toos U Daawo:Ciyaar Xaasaasi ah Oo Final Ah Oo Maanta Garoonka Stadiumka Ku Dhexmarasa Labada Xul ee... Arday 19Sano Ka Hor Ka Baxday Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar Oo Booqasho Ku Tagay Iyo Waxa Ay Indhaho... Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Finland Oo Baarlamaankiisa U Gudbiyay Mooshin Uu Ku Dalabanayo Aqoonsi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|