|
|||||
WAJAALE NEWS
Badhasaabkii Gobolka Hawd Oo Is Casiley Iyo Sababta Is Casilaadiisa
September 19, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Badhasaabkii gobolka Hawd Ibraahin Xasan Xaaji Cali Oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in uu si rasmi ah iskaga casilay xilkii gudoomiyaha gobolka Hawd. Waxaana gudoomiyuhu uu ka gaabsaday inuu sharraxaad ka bixiyo sababaha uu iskaga casilay xilka,balse waxa uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay oo hadalkiisa ku gaabsaday inay is casilaadiisa ay salka ku hayso culays siyaasadeed oo kasoo fuulay dhinka deegaanka uu kasoo jeedo. Badhasaabka gobolka Hawd ayaa waxa uu ka dhawaajiyay inay dhamaatay tixgalintii uu u hayey madaxwayne siilaanyo madaama oo uu aanu sharraxnayn. Dhinaca kale gudoomiyuhu waxa uu sheegay inuu dib ka sheegi doono sababah rasmiga ah ee uu isku casilay iyo waliba halka uu ugu diga rogan doono mustaqbalkiisa siyaasadeed. Related posts:Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Oo Shaaciyay Tirada Bishan Laga Helay Covid19 Iyo Kor Ukaca... Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay D... Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland Oo uu Wehelinayo Xildhibaan (Obama) oo la kulmay Safiirka Kurd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|