|
|||||
WAJAALE NEWS
APD Dhex Kama Noqon Karto Dooda Murashaxiinta..W/Q: Cabdiwahaab Daahir Khaliif(Happy)
September 5, 2017 - Written by Reporter:Waxaa ayaamahan warbaahinta dalka kusoo badanayey qabashada dooda musharixiinta saddexda xisbi qaran waddani. kulmiye iyo UCID. Way fiicantahay In la qabto dood noocan oo kale ah. Laakiin waxay tahay marka la qabanaayo dood. Sidan oo kale waxaa qaban kara TV ama haayad ka madax banaan siyaasadda. Laga bilaabo 1991 dib u dhiskii dalka waxaa qayb wayn ka qaatay bulshada rayidka oo iskeed isku abaabulshay dib dhiska bulshada rayidka iyo Nabadayntiiba. Bulshada rayidka (civil society). waxay u taagnayd horumarinta bulshada rayidka qaybaheeda kale duduwan. Xarunta APD ee Akademiyada nabadda iyo horumarinta oo caan ku ahayd bulshada dhexdeeda laguna yaqaanay dhexdhexaad inay ka tahay arrimaha siyaasadda ayaa maanta waxay noqotay Akaadamiga Nabada iyo horumarintu mid ka tagtay hawsheed ay u haysay bulshada Somaliland waxay ahayd mid ka madaxbanan gabi ahaanba Asasxaabta siyaasiga ah sida xisbiyada dalka ka jira oo aanay ku dhex milmi jirin.
Haddaba, waxaan u sheegayaa dhaamaan umada Somaliland in Akaadamiga Nabada iyo horumarintu aanay dhex ka ahayn dood musharaxiinta saddexda xisbi qaran. Akaadamiga Nabada iyo horumarinta waxay ku dhex milantay xisbiga talada dalka haya ee kulmiye. Akaadamiga Nabada iyo horumarintu waxay si cad oo badheedh ah ugu olaleeyaan xisbiga kulimiye Akaadamiga Nabada iyo horumarinta maanta ma noqon karto inay meel isugu keento xisbiyada qaran waayo cidda dood qabanaysaa waa inay tahay mid dhexdhexaad ah oo aan dhinacana loo tirinayn. Qalinkii: Cabdiwahaab Daahir Khaliif (Happy)
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|