Amiirka Dalka Qatar Oo Salaasada La Kulmaya Madaxweynaha Maraykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Amiirka Dalka Qatar Oo Salaasada La Kulmaya Madaxweynaha Maraykanka
September 16, 2017 - Written by Reporter:

Washigton,(W,N)-Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Salaasada Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo shirka golaha loo dhan yahay ee QM.

2017916636411518210346317amir

La taliyaha dhinaca ammaanka ee aqalka Cad Herbert McMaster ayaa u sheegay Warbaahinta in sidoo kale uu Trump la kulmi doono dhowr Hogaamiye maalmaha soo socda.

Amiirka Qadar ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee dibadda ku tagay dalka Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska ka hor inta Aanu tagin Mareykanka tan iyo markii uu khilaafka ka dhex qarxay dowladaha Khaliijka muddo ka badan 3 Bil.

Labada Hogaamiye ee Qadar iyo mareykanka ayaa la filayaa in inta uu socdo kulankooda in ay isla soo hadal qaadaan doorka uu Mareykanka ka qaadan karo xalinta arrimaha Khaliijka.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Mareykanku sheegay in uu dhexdhexaadin ka dhex bilaabayo Qadar iyo dowladaha Masar, Baxreyn iyo Sacuudiga oo isku dhinac ah.

COMMENTS
LINKS