|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhri Xogo Laga Helay Qoraal Rasmi Ah Oo Ay Hay’adda WFP Cabasho Kaga Muujisay Adeega Dekeda Magaalada Berbera
September 26, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Hay’adda cuntada aduunka ee WFP ayaa warqad rasmi ah oo ay u dirtay wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland isla markaana ogaysiin siisay wasiiradda maaliyadda,arrimaha dibada,iyo arrimaha gudaha waxay kaga cabatay adeegga dekeda magaalada Berbera o ay sheegtay in rogitaanka shixnaddu uu qaato waqti,taas oo marka laga eego shaqada gargaarka bini’aadamimo ee hay’adda aan dan u ahayn iyo in mudada markabku badwaynta u tagnaanayo in lasoo xidhaa ay badatay,taasina ay keentay culays dhinaca heshiiska tirada maalmaha ee ay hay’addu markabka soo kiraysato iyo waqtifa uu joogayo oo kala badanaya.
Hay’addu waxay xukuumadda Somaliland ku wareejisay in ay hadda kadib maraakiibta shixnadaha badan sida u wareejin doonto dekedaha kale ee gobolka,inkaste oo aanay magacaabin dekeda ay doorbidayaan in ay berbera ku badashaan. Warqaddan ku taariikhaysan 28-kii Ogos 2017 oo sumaddeedu ay tahay WFP-HAR/17/08/2017 oo uu geeska Afrika helay wax ay hay’addu ku tidhi Codsigan ay hay’adda cuntada aduunka ee WFP ay u dirtay xukuumadda ayaa waxa uu nkusoo beegmayaa wakhti ay cadhiidhi tahay dekeda isla markaana xaalad ay ka taagan tahay dekeda magaalada Berbera. Related posts:Xoghayaha Xisbiga Kulmiye oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Siyaasi Ramaax, Soona Bandhigay Sababihii Xilk... Xildhibaan Reer Jabuuti Oo Shaaciyay In Uu Yahay Murashax U Taagan Xilka Madaxtinnimo Ee Dalka Jabuu... DAAWO; Qaabkii Loo Dhaariyay Madaxwaynaha Cusub Ee Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi . COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|