|
|||||
WAJAALE NEWS
200 Oo Qaxooti Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Yemen
September 21, 2017 - Written by Reporter:SANCA,(W,N) – Ilaa 200 oo qaxooti Soomaali ah ayaa lagu xidhay gobolka Koonfurta ku yaala dalka Yemen ee Hadhramaut sida laga soo xigtay booliiska gobolka.
Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ay ay qabteen 200 oo qaxooti Soomaali ah, kuwasi oo ku socday hab sharci daro ah islamarkaana aan wadan dukumintiyo sharciyeysan. Dadkan qaxootiga ah oo ay ku jireen carruur iyo dumar ayaa soo gaadhay yemen, sida ku qornayd war- saxafadeed ka soo baxay xarunta booliska ku yaaalo degmada Mayfa ee koonfurta gobolka Hadhramaut, sida ay sheegayaan warar laga helay ciidamada amniga ayaa waxa sheegayaan in dadkii la hayay loo gudbiyay xerada qaxootiga ee Africa ee ku taaalo koonfurta gobolka Shabwa ee Yemen. Warbixin ay soo saartay hayda UN-ka ee arrimaha qaxootiga ayaa sheegaya in qaxootiga Africa ah ee soo gaadhayay, Yemen tan iyo billowgii 2017-ka inuu dhaafay 30,000 oo Ruux. Hay’adda IOM ayaa salaasadii todobaadkan sheegtay in 133 ruux oo qaxooti Soomaali ah dib ugu laabteen dalka. Related posts:Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Inay Wada-shaqayn Ka Waayeen Madaxweynaha, Goleyaasha... Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay In Madaxwayne Biixi Kamid Yahay 10 Qof Ee Ugu Taajirsan Somaliland Halkan Ka Daawo: Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Martiqaad Rasmi Ah Ka Hellay Raysal W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|