|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Oo Ka Soo Baxaya Sobobta Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Shaqo Joojinta Ugu Sameeyay Badhasaabka Gobolka Awdal. Iyo Cida Ka Danbaysa Qorshahan,
August 28, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan saylici oo xiligan ah kusimaha madaxwayne jsl ayaa caawa Soo saaray warqadiisii ugu horaysay ee Masuul xukumada ka tirsan uu Awaamiir Ku farayo amaba shaqada kaga joojiyo sidoo kale saylici ayaa awoodiisii u adeegsaday badhasabka gobolkii uu kasoo jeeday xukumayay, Wallow aanu isku daynay in aanu badhasaabka waxka waydiino arintan ayaanay noo suurto galin kadib markii aanu ku waynay khadka telefonka, Balse Shabakada Wararka Ee Wajaalenews ayaa heshay xogo dheeraad ah oo ka soo baxaya sobobta keentay in madaxwayne ku xigeenka Somaliland shaqadii ka joojiyo badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Shiine oo caawa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxwaynaha shaqadii uu qaranka u hayay kaga joojiyay. Hadaba shaqo joojintan lagu maagay badhasaaabka gobolka Awdal Mustafe Shiine ayay xogahani tibaaxayaan in uu door muhiim ah ka qaatay wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud jibriir oo dhawaan uun isagana xilkii wasiirnimo laga qaaday,waxaana Cali Xaamud Jibriir oo dhawaanahanba fadhiyay magaalada Boorama uu ku hawlanaa sidii uu u kicin lahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama,isaga oo xidhiidh hoose lalahaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici. Ex.wasiir Cali Xaamud Jibriir ayaa isaga ay u suuro gashay in uu hanto maskaxda maayarka Boorama oo uu kula taliyay in dhul danguud ah lagu shaabadeeyo badhasaabka Gobolka Awdal si meesha uu uga baxo taas oo keentay in meel fagaare ah uu shir jaraa,id ku qabto isaga iyo qaar ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Boorama sidaasna ay ku yagleeleen eedayn been abuur ah oo ka dhan ah badhasaabka Awdal Mustafe Shiine,waloow badhasaabka Awdal beeniyay. Sidoo kale xogahani ayaa Tibaaxaya in si wada jira ay uga shaqeeyeen shaqo joojintan lagula kacay gudoomiyaha gobolka Awdal Cali Xaamud Jibriir oo adeegsanaya maayarka iyo xildhibaanada golaha deegaanka Boorama iyo sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka Somalialnd C/raxmaan Saylici oo xidhiidh dhaw laleh Ex.wasiir Cali Xaamud Jibriir oo hawlo siyaasadaysan dhawaanahanba u joogay magaalada Boorama. Cali Xaamud waxa shalay mar keliya lagu arkay isagoo u sacaba tumaaya kelidii Faysal Cali Waraabe uu dadweynaha gobolka Awdal ku booriyay inay dhulka danta guud ka ilaashadaan xukuumadda wakhtigeedu sii dhamaanayo, mar ay ka qayb galeen xaflad lagu caleemo saarayay Suldaan , haseyeeshee waxa isla markiiba Faysal isla xafladii ugu jawaabay Badhasaab Mustafe Shiine oo sheegay in dadweynuhu ay doorteen Xukuumada talada dalka haysa , xukuumaduna ay leedahay Madaxwayne iyo Badhasaab uu u igmaday shaqada oo dadka u ilaalinaya dantooda guud iyo dhulkaba, taasina ay dhalisay sida ay wararku sheegayaan in Cali Xaamud uu taleefon kula hadlo Madaxweyne Xigeenka, sidaasina uu go’ aanka shaqo ka joojintu u dhacday.
WAJAALENEWS DESK KALA SOCO WIXII KASOO KORDHA ARIMAHAN’ WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:WAR DEG DEG AH:Madaxweynaha Puntland, Oo Isku-shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa, Wasiiro Xillalkoo... “Waxa Jirta Wakhti Aan Sedex Cisho Kuuli Galay Oo Aan Ushaqo Tagay Niman Guri Dhisaya”Gabadh Ka Xog ... “Suugaantii Soomaalida Jiilkan Dambe Wax Cusub Bay ku soo Kordhiyeen Oo Jiilalkii ka Horeeyay Aanay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|