Xisbiga Kulmiye Oo Masuuliyiin Cusub U Magacaabay Gobolka Maroodijeex Iyo Degmooyinkiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye Oo Masuuliyiin Cusub U Magacaabay Gobolka Maroodijeex Iyo Degmooyinkiisa
August 5, 2017 - Written by Reporter:

War-saxaafadeed

 

Ku: Xubnaha maamulka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE    = Hargiesa =

OG: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE                   = Hargiesa =

OG: Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE           = Hargiesa =

OG: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE             = Hargiesa =

 

Ujeeddo: Magacaabis Xilal cusub

 

Markaan arkay muhiimadda ay magacaabistoodu u leedahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga KULMIYE,

Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul,

Waxaan maanta oo ay bishu tahay 05 August, 2017 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan hawl-wadeenada degmooyinka iyo Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE.

1. Khaalid Cawil Jaamac inuu noqdo Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe ee

Xisbiga KULMIYE;

2. Barkhad Maxamed Cali inuu noqdo Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee degmada Maxamuud Haybe;

3. Ibraahim Kayse Cabdillaahi – Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Maxamed Mooge

4. Maxamuud Cismaan Axmed – Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee degmada Maxamed Mooge

5. Xuseen Maxamed Xasan (Cago) – Madaxa Abaabulka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE

6. Mukhtaar Abiib Siciid (Allamagan) – Madaxa abaabulka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge

7. Maxamed Muxumed Ciise – Madaxa Wacyigelinta Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE.

ALLAA MAHAD LEH.

Maxamed Iid Dhimbiil

_________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

 

 

 

15740900_349155608781498_6895502727107126718_n-735x400

 

COMMENTS
LINKS