Xidhiidhka Kubada Cagta Spain Oo Diiday Racfaankii Ay Real Madrid Ka Qaadatay Kaadhkii Casaa Ee Sergio Ramos. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Kubada Cagta Spain Oo Diiday Racfaankii Ay Real Madrid Ka Qaadatay Kaadhkii Casaa Ee Sergio Ramos.
August 25, 2017 - Written by Reporter:
Xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu iska diiday racfaankii ay ka qaadatay  Real Madrid kaadhkii  uu Sergio Ramos inta uu socday kulankii Axada ee kooxda Deportivo La Coruna ay ku daah furteen horyaalka La Ligaha ee dalka Spain.

Sergio Ramos ayaa laga saaray dhamaadkii kulanka kadib markii uu qaatay kaadhkii labaad ee digniinta oo lagu siiyay inuu xusul ku dhuftay laacibka kooxda Deportivo La Coruna Fabian Schar xilli ay u wada boodeen kubad madax aheyd.

 

Balse Los Blancos ayaa racfaan ka qaadatay kaadhkii  labaad uu qaatay Ramos iyagoo ku andoocanaya in Ramos uusan u sameynin si ku talogal ah, waxaana ay rajo ka. qabeen in kabtankooda uu diyaar u noqdo kulanka Valencia.

 

Xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain ayaa wuxuu dib ugu soo celiyay racfkaankii ay Real Madrid ka qaadatay kadhka casaanka wuxuuna haatan seegi doonaa kulanka Valencia ee maalinka axada soo aadan ay kusoo dhaweyn doonaan Santiago Bernabéu.

Laakiin tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dooqaq kala duwan u heli kara booska uu kaga maqnaanayo Sergio Ramos kulanka Valencia ee Axada, wuxuuna awoodaa inuu u adeegsado Nacho Fernández.

COMMENTS
LINKS