Sergio Ramos ayaa laga saaray dhamaadkii kulanka kadib markii uu qaatay kaadhkii labaad ee digniinta oo lagu siiyay inuu xusul ku dhuftay laacibka kooxda Deportivo La Coruna Fabian Schar xilli ay u wada boodeen kubad madax aheyd.
Balse Los Blancos ayaa racfaan ka qaadatay kaadhkii labaad uu qaatay Ramos iyagoo ku andoocanaya in Ramos uusan u sameynin si ku talogal ah, waxaana ay rajo ka. qabeen in kabtankooda uu diyaar u noqdo kulanka Valencia.
Xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain ayaa wuxuu dib ugu soo celiyay racfkaankii ay Real Madrid ka qaadatay kadhka casaanka wuxuuna haatan seegi doonaa kulanka Valencia ee maalinka axada soo aadan ay kusoo dhaweyn doonaan Santiago Bernabéu.
Laakiin tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dooqaq kala duwan u heli kara booska uu kaga maqnaanayo Sergio Ramos kulanka Valencia ee Axada, wuxuuna awoodaa inuu u adeegsado Nacho Fernández.