Xafladii Daahfurka kaadhadhka Codbixiyaasha Gobolada Sool Iyo Sanaag Goordhawayd Ka Dhacday Magaalada Laascaanood Iyo Musharaxiinta Sadexda Xisbi Qaran Oo Xalay U Hoyday Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xafladii Daahfurka kaadhadhka Codbixiyaasha Gobolada Sool Iyo Sanaag Goordhawayd Ka Dhacday Magaalada Laascaanood Iyo Musharaxiinta Sadexda Xisbi Qaran Oo Xalay U Hoyday Laascaanood
August 10, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Xafladii daahfurka qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha gobolada Sanaag iyo Sool ayaa goordhawayd waxay ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo loo qoondeeyey in lagu qabtay xafladda daahfurka.

Waxaana magaalada Laascaanood ku sugan gudoomiyayaasha ahna murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee WADDANI,UCID iyo KULMIYE,iyaga oo halkaasina ay goordhawayd  ka dhacday xafladaasi daahfurka,waxaana magaalada Laascaanood lagu so dhaweeyey murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran,iyaga oo xalayna halkaasi u dhaxay oo seexday.

hqdefault

Gobolada Sanaag iyo Sool ayaa waxay yihiin labadii gobol ee ugu danbeeyey ee laga qaybiyo kaadhadhka codbixiyayaasha,iyaga oo si rasmi ahna ay kaadh qaybinta labadaasi gobol uga bilaabmi doonta 12.8.2017 oo ah maalinka Sabtida ee fooda inagu soo haysa.iyaga oo maalinka Bari ahna guddiga Komishanku ay kala diri doonaan shaqaalihii iyo gaadiidkii ka hawl galayay goobahaasi gobolada Sanaag iyo Sool.

COMMENTS
LINKS