Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL Oo ka qeyb Gashay Shir Caalami ah Oo ay isku Yimaadeen Dalalka Bariga Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL Oo ka qeyb Gashay Shir Caalami ah Oo ay isku Yimaadeen Dalalka Bariga Afrika
August 3, 2017 - Written by Editor:

Addis Ababa,(W,N)   Waxaa maanta ka  furmay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia gaar ahaan Hoolka shirarka ee Xarunt Matxafka Qaran ee dalka Ethiopia(National Museum of Ethiopia-HQ )  shirkii 6aad ee uu Qabto  Ururka Bariga afrika ee xaga cilmi baadhista adaamaha ee loo yaqaano(EAAPP).Shirkani waxa oo socon doonaa mudo saddex maalmood, waxaa ka  soo qayb galay madax iyo aqoonyahano iyo  Cilmi baadhayaal  ka socday  dalalka bariga afrika oo ay somaliland ku jirto ,Europe iyo Maraykanka.

shirkaasi waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Fadaraalka Ethiopia Marwo: H.E Dr. Hirut Weldemariam waxay Wasiiradu  hoosta ka xariiqday ahmiyada Cilmi baadhistu ugu fadhida dalalk bariga afrika gaar ahaan xaga Dalxiiska iyo sidii loo baadhi lahaa waxyaabaha qadiimka  ee ay leeyihiin Dalalka  Bariga Afrika ,  waxayna  uga mahadnaqday ururka  soo agaasime shirkan oo ah Ururka Bariga afrika ee cilmi baadhista ee loo yaqaano  (EAAPP).

waxa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Bariga Africa ee xaga cilmi baadhista Mr. Zeresenay Alemseged  oo sheegay in ujeedada shirkani tahay siddii dalalka bariga afrika iskaga gaashan lahaayeen cilmi baadhista aadamaha  iyo degaanada qadiimka ah ee loo yaqaano (Paleontology and Paleoanthropology) iyo sidii loogu heli lahaa cilmi baadhistaasi kharashka ku baxay oo ay dawladu u taageeri lahaayeen. Gudoomiyihu Ururkaasi wuxuu  madasha ku soo dhaweeyay  dhamaan ka soo qeyb-galayaashii shirka, wuxuna Carabka ku dhufta in Somaliland markii ugu horeysay ay ka soo qeyb-gasho shirkani oo sanad walba ka qabsooma afrika, wuxuuna uga mahadnaq Somaliland ka soo qeyb galka shirkaasi,  waxaana madashaasi  sacab  iyo wajiyo farxad badani  ka muuqato  lagu soo dhaweeyay labadii Xubnood ee  ka socday Somaliland oo kala Ahaa:

Mr.Cabdiqani Axmed Xassan “Goole”  oo ah Agaasimaha W.Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha dibeda&iska. Caalamiga ah  iyo Marwo Asma Cismaan Cabdi –oo ah Hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda.  Soo dhaweyn ka dib, Agaasime Cabdiqani wuxuu ugu mahadnaqay Gudoomiyaha ururka bariga afrika sidda wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay Somaliland shirkaasi wuxuuna intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xubin ka noqoto ururka bariga afrika ee xaga cilmi baadhista.

Intii uu shirku socday, waxay Cilmi baadhayaal ka socday dalalka Mareykanka , Talayaaniga , Spanish-ka , Swiss-ka  ,Tanzania ,Kenya .Ethiopia, South afrika  ay   halkaasi  ku soo  bandhigeen  cilmi baadhis kala duwan oo ku saabsaneyd  Asal-ka  dadka afrikaanka  ah iyo asaarta  qadiimka ah ee  degaano ka mid ah dalalka bariga  afrika.

 

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibedda&Isk. Caalamiga ah,             ee Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS