War-Deg-Dega:Maayarkii Hore Ee Degmada Gabilay Axmed Samir Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Maayarkii Hore Ee Degmada Gabilay Axmed Samir Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
August 4, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa caawa Isbitaalka wayn ee magaalada Hargaysa ku geeriyooday maayarkii hore ee degmada Gabilay Marxuum Axmed Muxumed Qaalib(Axmed Samir)oo mudooyinkan u danbeeyay xanuunsanayay.

Marxuum  Eng.Axmed Samir waxa uu ahaa maayirkii u danbeeyay ee golihii hore ee Deegaanka Gabilay isaga oo xilka ku wareejiyay golahan deegaanka ee waqtigan oo xiligaa xilka uu la wareegay maayar Shucayb oo xiligan ah wasiirka Warshadaha.

Rabi Naxariistii Jano haka waraabiyee marxuum Axmed Samir waxa uu ka mid ahaa maayarada ku suntan dhinaca waxqabadka degmada Gabilay isaga oo waqtigaa ka fuliyay degmada Gabilay mashaariico badan oo lagu xasuusto,waxaanu marxuumka takhakhuskiisu ahaa Engineer isaga oo waxbarashadiisa ku soo qaatay jaamacadihii dalkii Somaliya isaga oo markii danbana u baxay waxbarasho dibadeed,waxaanu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Somaliya isaga oo ahaa in mudo ah macalin bare ka ah dugsigii Farsamada gacanta ee Burco(Burco Institute).

Hadaanu nahay bahda shabakada wararka ee Wajaalenews,waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryanaa in Naxariistii jano rabi ka waraabiyo dhamaana qoyskiisii iyo asxaabtiisiina Samir iyo Iimaan Ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN…………………………………………………………………………………………………

COMMENTS
LINKS