War-Deg-Dega:Kursigii Gudoomiyenimo Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Lagu Kala Calaf Qaaday Iyo Gudoomiye Cusub Oo La Doortay+Tirada Xildhibaanada Codeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Kursigii Gudoomiyenimo Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Lagu Kala Calaf Qaaday Iyo Gudoomiye Cusub Oo La Doortay+Tirada Xildhibaanada Codeeyay
August 6, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)Ogosto.6,2017-Fadhiga xasaasiga ah ee hadda ka socda xarunta golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa hadda la guda galay codaynta xildhibaanada u kala codeeyey labada xildhibaan ee tartanka adag ku dhex maryay buuxinta jagada gudoomiyaha wakiilada Somaliland ee maalinnkii arbacada uu  baneeyey Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaana xildhibaanadu ay hadda guda galeen codaynta labadan murrashax ee Cabdiraxmaan Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax,waxaHan wali shirgudonka daadihinaya gudoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada Somaliland.

Codayn kadib ayaa waxa xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u codeeyey 38 mudane oo xildhibaanada ah halka Baashe Maxamed Faaraxna ay u codeeyey 39 xildhibaan,waxaana sidaasi cod hal dheeri ah ku noqday  gudoomiyaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,isaga oo  hal cod lagaga guulaystay Cabdiraxmaan talyane.

Labadan murrashax ee u tartamayay jagada gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ayaa hadda si niyad sami ah iskugu hambalyeeyey,waxaana ay isku gacan qaadeen golaha dhaxdiisa.

Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in 7 cisho kadib isna la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland.

COMMENTS
LINKS