War Deg-Dega : Muj Dheereeye Oo kamida Xubnihii Dhawaan Kusoo Biiray Xisbiga Wadani Oo Xabsiga loo Taxaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega : Muj Dheereeye Oo kamida Xubnihii Dhawaan Kusoo Biiray Xisbiga Wadani Oo Xabsiga loo Taxaabay
August 19, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Muj. Maxamed Cabdi Yuusuf (Dheereeya) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbia mucaaradka ah ee Wadani ayaa caawa abaaro sideedii habeenio  xabsiga loo taxaabay,Mujaahidka ayaa wararku sheegayaan in ay Cawa ciidanka Boolisku ka qabteen badhtamaha suuqa gobonimo ee magaalada Hargaysa. Iyadoo lagu xidhay saldhiga daloodha ee xaafada 150ka.

Ma Cada Sobobta dhabta ah ee ka danbaysa xadhiga mujaahid Dheereye balse wararka xogogaalka ah ee ay helaso shabakadan wararka ee Wajaalenews ayaa tibaaxaya in ujeedada xadhigani la xidhiidho qorshe siyaasadeed oo lagu cabsi galinayo taageerada uu u muujiyay xisbiga Wadani, iyada oo xogahani tibaaxayaan in shirqoolkan lagula kacay mujaahid Dheereeye laga soo abaabulay guriga musharaxa xisbiga muxaafadka ah ee Kulmye Muuse Biixi Cabdi Oo ay  jufo hoose yihiin isla markaana uu caqabad ku noqday taageerada musharaxa Kulmiye oo dhaawac wayn ku noqotay taageeradii musharaxa Kulmiye ka filayay qoyskiisa hoose.

BREAKIN-NEWSes

Xadhiga Mujaahid dheereeye oo uu noo xaqiijiyay Khaalid C/laahi Falaago oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Wadani ayaa intaas ku daray in cago juglayn maalmahanba ay ku hayeen kaadiriinta xisbiga Kulmiye oo hab qabiil usoo badhtilmaameedsanayay.

WAJAALEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS