War-Deg-Dega Marxuumkii Labaad Oo Ku Geeriyooday Dekeda Magaalada Berbera Iyo Muran Badan Oo Ka Taagan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega Marxuumkii Labaad Oo Ku Geeriyooday Dekeda Magaalada Berbera Iyo Muran Badan Oo Ka Taagan
August 23, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil soona gaadhay xafiiska Warqabadka Shabakada Wararka Wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in xalay uu marxuunkii labaad ku geeriyooday dekeda magaalada Berbera.

Marxuunkan geeriyooday oo lagu magacaabi jirey allah  haw naxariistee Saleebaan Nuur Maxamed (Ina Gunti Gaab),waxaana uu kamid ahaa shaqaalaha dekeda Berbera gaar ahaana shaqaalaha Muruq-maalka ah ee dekeda ee Geelleyaasha.

Waxaana naloo sheegay in marxuunku inuu wakhtigan ka shaqaynayay Markab ku xidhan dekeda Berbera oo xalay laga rogayay Rar Sibidh ah oo saarnaa,waxaana shaqaale kamid ah dekedu ay sheegeen in marxuunku isaga oo sirirsan inuu ku dhacay afaafka hore ee dekeda Berbera,intaasi kadibna markii loo qaaday cusbitaalka magaalada Berbera uu geeriyooday.

Dhimashada marxuunkan ayaa muran badan ka taagan yahay,waxaana marxuunku uu ku jiraa Talaagada maydka ee cusbitaalka Berbera,iyaga oo ehelada marxuunku ku doodaya in inankoodu uu u geeriyooday dhibaato kasoo gaadhay dekeda.

Ilaa hadda lama garanayo sababta uu u geeriyooday allah haw naxariistee Marxuun Saleebaan Nuur Maxamed (Ina Gunti Gaab),waxaana muran badan ka taagan yahay sida naloo sheegay dhimashadiisa.

Gabagabadina todobaadkan gudahiisa waa marxuunkii Labaad ee k

u geeriyooday dekeda Berbera,isaga oo ku guda jiray sida la sheegay hawl maalmeedkiisa shaqo,waxaana hore dekeda ugu geeriyooday nin kamid ah shaqaalaha dekeda Berbera oo wali isna dhimashadiisa lagu muransan yahay kaas oo isna naloo sheegay inuu ku jiro talaagada maydka.

 

BREAKIN-NEWSes

 

COMMENTS
LINKS