|
|||||
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega: Fadhigii Golaha Wakiilada Oo Dib U Dhacay + Xildhibaano Tiro Badan Oo Aan Kasoo Xaadirin Iyo Wakhtiga Loo Balamay
August 20, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Iyada oo saaka loo ballansanaa inuu dib u furmo fadhigii golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa xaaladda golaha wakiilada Somaliland ay ahayd mid cakiran,iyaga oo golahana aanay kaba soo xaadirin xildhibaano tiro badan oo muxaafad iyo mucaaradba leh kuwaas oo ahaa garabkii u codeeyey xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle. Waxaana fadhigan maanta loo ballansanaa inuu furmo uu noqday mid dib u dhacay iyaga oo loo ballamay maalinka Arbacada ee fooda inagu oo haya inuu furmo. Xarunta golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa saaka gabi ahaanba la wareegay ciidamo cusub oo Boolis ah kuwaas oo diidayay in golaha uu galo qof aan xildhibaan ahayni,waxaana dibad joog ka ahaa golaha maanta Warbaahinta Somaliland oo loo diiday inay gudaha u galaan. Garabkii xildhibaanadii u codeeyey xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa laga yaabaa inay warbaahinta la hadlaan goor dhaw. Related posts:Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Sharci Yihiin Xildhibaanadii Lagu Soo Doorta... Sababta Keentay Askari Toogasho Ku Dilay Abaanduulihii guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland... Magacyadda Murrashaxiinta Buuxiyay Shuruudihii Looga Baahnaa Xubnaha U Tartamaya Hoggaanka Xisbiga K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|