|
|||||
WAJAALE NEWS
War-Deg-Deg Ah: Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhexmaray Xildhibaan Saleebaan Xali Koore Iyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax Iyo Ciidamo La Wareegay Xaruntii Baarlamanka Somaliland
August 8, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya xarunta Baarlamaanka Somaliland soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in goordhawayd dagaal gacan ka hadal ahi xarunta golaha ku dhex maray xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo kamid ah mudanayaasha Wakiilada Somaliland iyo gudoomiyaha sharcinimadiisa lagu muransan yahay ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Waxaana dagaalkan dhex maray xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax uu ka dhashay sida ay Wajaalenews u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo goobta ku sugnaa,kadib markii xildhibaan Saleebaan Cali Koore uu soo galay golaha Wakiilada isla markaana uu si toos ah u abaaray xafiiska Baashe Maxamed oo wakhtigaasi uu ku sugnaa,waxaana xildhibaan Saleebaan Cali Koore isku dayay inuu xafiiska ka celiyo askari kamid ah ilaalada Baashe Maxamed Faarax oo markaasi hortaagnaa wajahaada xafiiska Baashe,waxaana uu askarigii xildhibaan Koore sida naloo sheegay ku wargeliyey in xildhibaan Baashe Maxamed Faarax uu shir ku jiro isla markaana uu yara sugo inta uu kasoo baxayo,balse xildhibaan Koore ayaa isagu toos u galay xafiiska gudoomiyaha cusub ee sharcinimadiisa lagu muran yahay Baashe Maxamed Faarax. Intaasi kadib waxa labada xildhibaan dhex maray muran,waxaana hadalo xanaf leh ay labadan xildhibaan isku waydaarsadeen xafiiska Baashe dhexdiisa,kaas oo markii danbe sababtay inay gacanta iskula tagaan xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax. Waxaana labadan xildhibaan dirqi ku kala qabtay sida xoguhu noo xaqiijiyeen xildhibaanadii iyo dadkii goob jooga ahaa,iyaga oo markiiba ay goobta soo gaadheen ciidamada ilaalada Baarlamaanka Somaliland,kuwaas oo xafiiska dabada uga soo saaray xildhibaan Koore. Waxaana dhaawacyo fudud oo wajiga ah ay soo gaadheen xildhibaan Baashe Maxamed Faarax. Dhinaca gale waxa iyaguna daqiiqado yar kadib markii labadan xildhibaan la kala qabtay golaha soo galay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” iyo taliyaha ciidamada Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,iyaga oo watay ciidamo badan,waxaanay Baashe Maxamed Faarax ka saareen golaha,waxaanay u kaxeeyeen dhankaa iyo xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland oo ay u sheegeen in madaxwayne Siilaanyo uga yeedhay. Baarlamaanka Somaliland ayaa waxa hadda la wareegay ciidamo tiro badan oo iskugu jira ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da iyo ciidamo Milateri ah,waxaana ciidamadan ay diidayaan in gudaha loo galo xarunta Baarlamaanka Somaliland. Sidoo kalena ciidamadan ayaa waxay xidheen xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo darawalkiisii oo la socday.
Related posts:Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Madaxda Imaaraadka Carabta Kala Hadlay Dekedda Berbera Iyo Jidka wajaal... DAAWO ; Muuqaalka Bandhig Sugaaneedkii Abwaan Weedhsame Iyo Maansadii “Maax Dareen Lulay” Oo Kici... Madaxweynaha JSL Oo kulan Lagu dar-Dar Gelinayo Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha La Yeeshay Komishank... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|