|
|||||
WAJAALE NEWS
Waligay Ma Xanuunsanin Intii aan Madaxweynaha ahaa! Yoweri Musevani
August 1, 2017 - Written by Editor:Yuganda (Wajaalenews)Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani oo sii gaboobaya ayaa sheegey in waligiis uusan xanuunsanin intii uu madaxweynaha ahaa, wuxuuna yiri “Waligaa miyaad maqashay Musaveni ayaa xanuunsaday oo isbtitaal yaalla, 31kii sano ee la soo dhaafay? Maxaa yeelay waxaan raacaa xeelado caafimaad taas oo ugu dambeystii caawiso ka hor tagga cuduradaas. Qeyb badan oo cuduradaas ka mid ah waa laga hor tagi karaa”. Sawirada Museveni oo dib ugu laabtay beertiisa Hadalkan ayaa dad badan ula muuqda mid layaab ah marka la eego tirada madaxweynayaasha ee xanuunsan sanadkan oo kaliya. Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa muddo dheer London u jooga daweynta xanuun aan nuuciisa wali la shaacin. Madaxweynayaasha Angola, Zimbabwe, Benin iyo Algeria ayaa safara caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa sanadkii la soo dhaafay. Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo talada dalkaasi qabtay 1980kii ayay mucaaradku ku dhaliilaan in uu dalka ka maamulo “Sariirtiisa isbitaalka dusheeda”, kadib markuu saddex jeer uu safar caafimaad ku tagay dalkaSingapore, sanadkan oo kaliya. Source:BBC Related posts:Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Daahfuray Kulan Lagaga Doonayay Xeerka Ka Hortaga Maydhist... Daawo; Gudoomiye Ciro Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo Kordhin Guurtidu Ay Sameysay Xukuumada Iyo Gol... “Xukuumaddu Xogogaal Ha U Ahaato Xaalada Adag Iyo Duruufaha Dhaqaale Ee Dalka Ka Jira”Siyaasi Baashe... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|