Wadaadkaygow Barakowe Miyaad Maantana Ii Kacdid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadaadkaygow Barakowe Miyaad Maantana Ii Kacdid.
August 3, 2017 - Written by Reporter:

Dhowaan waxa magaalad hargaisa hadalhayntu ku badnayd kaniisada loo furayo qolyaha kaatoliga ah ee wadanka jooga, in kastoo qof walbaa xaq u leeyahay xuquuqdiisa caabudida iyo inuu wakhti ku bixiyo sidii uu daacad ugu noqon lahaa diinta uu aaminsanyahay hadana marka la eego dadkeena iyo dalkeena awood ama karti uma laha inuu la socdo dhaqdhaaqyada ka soo bixi kara kaniisada ee ka baxsan waxyaabihii loo dhisay oo waxaaba laga yaabaa inay dadka diintaas ugu yeedhaan oo si hoos ahaana u badalaan maadaama aan wacyiga dadku dhiiri gashanayn. Si kasta oo ay u dhacdoba waxa habeenkii xalay ahaa Fatwo soo saarey gudida culimada wadanka kaas oo ay ku sheegeen sida ay uga soo herjeedaan in kaniisad laga hirgaliyo magalaada hargaise waxaanay weysada u biyeysteen sidii ay u joojin lahaayeen dhismaheeda iyo sharciyeynteeda, tiina rabi waa ku guuleeyey oo waxa maanta go’aan soo saarey wasiirka diinta iyo awqaafta oo sheegay inay ka laabteen go’aan koodii ahaa in la furo kaniisad.

Wadadii guulaysay oo jooji midii ku koobnayd baloodhka kasoo horjeeda dhismaha wasaarada cadaalada, lakiin waxa weli god madow ku jira nolosha dad badan oo reer Somaliland ah oo sadexda wakhti waxay cunaan la, heerka baahidu gaadhsiisantahy waa sii laba jibaarantey iyadoo ay ugu darsantey sixir barar aan xad iyo xuduud lahayn oo xadhkaha goostey.

Bulshadii waa la kala jabay dabaqaad baala noqdey, qolyo waxa dhacayaba aan la socdaan, qolana waa dulmanta ee inay nolol dhisaane oo mustaqbal ka fikiraane wuxuu ka werwerayaa daqiiqadaa uu joogo daqiiqada ku xigtaa siday u eekaan doonto iyo inuu heli doono wuxuu afka geliyo iyo wuxuu qoyskisii la wadaago, ceelna uma qodna cidina uma qodna.

Hadaba bulshada iyo xukuumaduba iyo guud ahaan dadkeenuba weynu qadarinaa culimada oo dhankey maraan uun baa loo la kacaa, oo waxaad ka dareemi kartaa go’aankii la soosaarey siday u badaleen hal habeen keliya uun bay u Shireen. Ee wadaadkaygow anigoo intaas oo dhan kuu og miyaad maanta ii kacdid oo bulshadan dulman u hadashid, wadaadkaygow miyaad maantana ii kacdid oo sixir bararkan ka hadashid, wadaadkaygow miyaad maantana kacdid oo qaadkan boqnaha I jarey bayan kasoo saartid, wadaadkaygow hadalkaagu wuu dhacaaye maad ku dhac yeelatid oo umadan badbaada qaran rabta badbaadisid ileen kalmadna waa dane!, wadaadkaygow caano daatey dabadood la qabaye mar hadii awoodiinii aragteen maad isdaba qabataan oo looma ooyaanka aan cid iyo ciirsi lahayn la oydaan.

Wadaadkaygow miyaad maanta uun ii kacdid !! tagtadii kaniisada waxaan uga baahi badanahay joogtada maanta iyo soosocashada beri oo hadii hirgasho saamayn togan ku yeelan doonta malaayiinka reer somaliland ee nool iyo kuwa dhabarka ku jira ee dunida kusoo socda.

 

mohamedmostafe939@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS