Waa Tuma Sahra Abuukar Cabdi (Sahra Dawo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Tuma Sahra Abuukar Cabdi (Sahra Dawo)
August 29, 2017 - Written by Reporter:

hqdefault

sahra-696x392

“Magacaygu waa Sahra Abuukar Cabdi (Sahra DAWO) Anigoo gabadh yar ah oo dhigata Iskuulka Macallin Jaamac [Magaallada Muqdisho) ayaan Fanka jeclaa, Macallin Jaamac xilligaas wuxuu ku yaallay halka uu ka dhisan yahay guriga hooyooyinka oo anigoo xiisadda ku jira ayaan maqli jiray Muusigga Tiyaatarka sidaasna fannaaniinta ula qaadi jiray heesaha. Dhammaadkii 1983kii ayaan u tagey abwaan Mustafe Sheekh Cilmi waxaan ku idhi adeer Fanka ayaan jeclahay waxaana doonayaa inaan noqdo fannaanad marka hees aan tartanka heesaha hirgalay kaga qeybgalo ii samee. Abwaan Mustafe oo la yaabban da’deyda iyo sida aan fanka u jeclahay ayaa igu yidhi adeer hees waddani ah ayaan kuu sameynayaa, markaasaa anna ku idhi adeer jacaylku yaraan iyo weynaan ma lahee hees jacayl ah ii samee.Abwaanka ayaa isagoo i hor taagan yidhi”

“Anigoo wax badan jirin

Walbahaar kalgacalbaa

Igu waabariistay”.

Waxaabad mooddaa inuu dareenkeyga ka sameeyey ereyadan macaan, Heesta “Walbahaar” ayaan ku galay tartanka heesaha hirgalay inkastoo hees kalena ay jirtay haddana WALBAHAAR ayaan ku caanbaxay oo uu laxan macaan ii saaray wiil la odhan jiray Cabdi Maxamed Safaari oo ka tirsanaa kooxdii ONKOD sidaasna kooxdii Waaberi ay igu qaadatay. Heesaha kale ee isla sanadahaas aan ku caanbaxay aadna loo jeclaa waxaa ka mid ahaa heesta “YABAAL” ee uu ila qaado Allaha u naxariistee Axmed Inshaar Cabdi Olol midhaha iyo laxankana uu lahaa Cabdalla Yuusuf Hanuuniye. Fannaaniinta waxaa ka dhaxaysay wadashaqeyn iyo isfahan aniga waxaan ka wada tirsanaa Waaberi iyo Durdur oo uu guddoomiye ka ahaa Odeygeygii hore Ciise Daahir labada kooxoodna si wanaagsan ayaan ula shaqeeyey runtii waad garan kartaa qiimaha uu fanku xilligaas lahaa. Sanadkii 1992kii bishii Juun ayaan kasoo baxnay Muqdisho aniga iyo Kooxda DURUDUR waxaana tagtnay dalka Ethiopia magaalada Addis-ababa, halkaas oo aan ka dhignay bandhig faneedyo badan heeso cusubna ku qabannay. inkastoo dadkaasi maanta qaarna dhinteen qaarna kala fogaadeen, markii aan ka imi Muqdisho ayaa Abwaan Maxamuud Tukaale Cismaan ii sameeyey hees uu ugu duceynayo dalka oo halku-dhiggeedu yahay CAFIS, hadda waxaan joogaa dalka Mareykanka oo noloshii caadiga ahaydna aan la waan wataa fankiina weli waan ku jiraa ..

Bashiir Maxamuud Ayaa Xogwarrank Kooban Ka Soo Weriyey Fanaannada Sahra Abuukar Cabdi (DAwo)

COMMENTS
LINKS