U Diyaar Garowga Munaasibadda Ciidal Adxa Oo Laga Dareemayo Caasimada Hargeysa Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Lagu Soo Daadiyey Suuqwaynaha Caasimada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
U Diyaar Garowga Munaasibadda Ciidal Adxa Oo Laga Dareemayo Caasimada Hargeysa Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Lagu Soo Daadiyey Suuqwaynaha Caasimada Hargeysa
August 30, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Iyada oo ay maalin inaga xigto munaasibada Ciidal Adxa oo ah maalin wayn oo dhamaan muslimiinta meel kaste oo ay joogaan u ah maalin farxadeed ayaa waxa u diyaar garowga munaasibadaasi waxa si wayn looga dareemayaa caasimada Hargeysa ee Somaliland.

waxaana suuqyada magaalada Hargeysa soo buux dhaafiyay dad tiro badan iyo caruur yar yar oo iibsanaya dharkii ay ku ciidi lahaayeen maalinkaas,iyaga oo sidoo kalena maheradaha ganacsi ee iibiya dharku ay buux dhaafeen.

hargeysa

 

Ciidamo tiro badan ayaa lagu soo daadiyay suuqwaynaha caasimada Hargeysa,kuwaas oo sugaya amaanka suuqa oo ay soo buux dhaafiyeen dadku.

dhinaca kale qiimaha iibka xoolaha ayaa kor u kac wayn ku yimi,iyada oo badida dadka xoolo dhaqatada ay saamaysay abaarti dabada dheeraatay ee ka dhacday dalka.

munaasibada ciidal Fidriga ayaa ku beegan maalinka Jimcaha ee fooda inagu soo haya,waxaana ka hadhsan maalinka bari oo kaliya.

COMMENTS
LINKS