Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Waramay Xaaladiisa Caafimaad+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Waramay Xaaladiisa Caafimaad+Sawiro
August 4, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Taliye Cabdilaahi Fadal oo mudooyinkii ugu dambeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa wadanka ku soo laabtay  iyada oo xaaladiisu aad u fiican tahay.

Taliyaha ciidamada booliska somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxa ku soo dhaweeyey  Saraakiil Sare Sare Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Iyo Dadwayne Kale Oo Aad u Tiro Badan.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay xaaladiisa caafimaad ayaa sheegay inuu hada aad u wanaagsan yahay  xaaladiisa caafimaadna ay taam tahay, waxaanu u mahad celiyey saraakiisha ciidamada iyo dadweynaha kale ee ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Hargeysa

taliye3 taliye1 taliye2 taliye4 taliye5 taliye6

COMMENTS
LINKS