Suldaan Cali Saleebaan Cawaale Suldaanka Qurba Jooga Gabiley Oo Baaq Udirey Bulshada Gobolka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Cali Saleebaan Cawaale Suldaanka Qurba Jooga Gabiley Oo Baaq Udirey Bulshada Gobolka,
August 20, 2017 - Written by Reporter:

Bristol(W,N)-Suldaanka Gobolka Gabiley iyoWaqooyiga Hargeysa ee Qurba jooga Suldaan Cali Saleebaan Cawaale ayaa markii u horeysay baaq Culus u direy Guud ahaanba Shacbiga Gobolka Gabiley oo uu ugu baaqey in ay Taageeradooda Dhinaca Siyaasada ee Loolanka Xisbiyada ku saleeyaan Mawduucyada Gobolka qabyada ka ah iyo Duruufaha maxaliga ah ee ku Gedaaman,Islamarkaana shuruud wax ku ool ah oo ka madaxbanaan Durbaanka iyo Guulwadanimada ay ku beegaan.

Suldaan Cali Saleebaan Cawaale Suldaanka Qurba jooga Gobolka Gabiley oo si adag uga hadley istaraatijiyada Gobolnimo ee Gabiley iyo Sida ay hore ugu hungoobeen Shacbiga Reer Gabiley Xisbiyada qaarkooda balanqaadyadii Gobolbimo ee ku jiheysneyd ansixinta Gobolka iyo Waxka qabashada dhinaca amniga ee Deegaanada maatidii iyo Shacbigii deganaayeen wali Qoxootiga ka yihiin,taas oo uu ku Sheegay in ay tahey arin hortaala oo u taala Guud ahaanba Bulshada Gobolka Gabiley oo ilaahay kula Xisaabtamayo Aakhiro iyo Aduunyaba.

 

 suldaanka Qurba Joogta Gabiley

 

Waxa kale oo Suldaan Cali Saleebaan Cawaale sigaar ah u fariimeeyay Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolka Gabiley(Reer Xareed), oo uu kula Taliyey in ay sigaar ah uga tashadaan Mustaqalka codkooda ay ka dhiibanayaan Doorashooyinka soo socda oo ay ka feejignaadaan Xisbi Xaakimka Kulmiye sababtoo ah marka loo eego Arimo badan oo ku taxaluqa riiqdii,hagardaamadii,iyo dhibaatooyinkii kasoo gaadhey Doorashadii hore ee ay boqolkiiba boqol ku siiyeen Kulmiye Waxaanu ku Taliyey in aaney u rarin nimaan u furi doonin.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS