Soomaali Dab Lagu Qabadsiiyay Dalka Koonfur Africa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaali Dab Lagu Qabadsiiyay Dalka Koonfur Africa
August 3, 2017 - Written by Reporter:

201783636373351195619644koonfur-afrika-6201783636373351313604105koonfur-afrikaddd 201783636373351481835364koonfur-afrika-2dddd 201783636373351695133462koonfur-afrika-3ddddd

Johannesburg,(W,N) – Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in muwaadiniin Soomaaliyeed la dilay kaddib markii lagu gubay goobahooda ganacsiga.

Falkan oo ay ku dhinteen muwaadiniin magacyadooda lagu kala sheegay Cali Maxamuud Cali, Cabdullaahi Cali Caymooy  ayaa waxaa uu dhacay habeenkii Isniinta oo taariikh-da ku beegneyd 31-ka bishii ina dhaaftay ee July, waxaana loo adeegsaday dhalooyin lagu shubo basiinka ee loo yaqaano “Padrol Bamb”

“Sida laga helay muuqaalka camero ku xedhneyd goobta booliskuna uu inoo sheegay waxaa weerarkaan loo adeegsaday dhalooyin nafto ama basiin lagu soo shubay kadibna taraq lagu daaray oo goobta ganacsiga la dhax galiyay, lama oga cidda ka dambeysay laakiin wali waxaa socda badhitaano ay ciidamada booliska wadaan” ayuu yidhi guddoomiyaha jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka South Africa Dr Maxamed C/llaahi.

Laba kale oo muwaadiniin Soomaliyeed ah ayaa ka badbaaday falkaasi, kuwaasi oo sida la sheegay jiifay goob ku dhagan goobaha ganacsiga ee labada ganacsade lagu dilay.

Labada ganacsade ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu gurmad ugu yimid ganacsadaha kale oo xiligaa dabka la qabadsiiyay taasoo keentay in labaduba goobta ku geeriyoodaan.

“Wiilkaan ayaa gudaha soo galay si uu u damiyo dabka marka uu gudaha soo galay saddex mar ayuu dhahay, i badbaadiya marka wiilkaan kale ayaa ka soo dabagalay kaddiba labadooda meeshaas ayeey nafta uga baxday.” ayuu yidhi gudoomiyaha Jaaliyadda

“Dukaanka waxaa uu ahaa mid dhowr nooc isugu jira qaybo kala duwan u kala shaqeeya ninka ku dhintay meeshaan Cali Maxamuud waxaa uu ahaa ninka iska leh hantidaas oo dhan xitaa dhismaha iyo dhulka intaba.” ayuu sheegay Cabdulaahi Wehliye oo ka mid ah ehalada marxuumka.

Dhacdadan ma’aha tii ugu horeysay oo siddan oo kale loogu beegsado ganacsatada Soomaaliyeed, ilaa hadda ma jirto tallaabo cad oo ay arintan ka qaaday dowladda Koonfur Africa.

COMMENTS
LINKS