Siyaasiyiintii Ugu Miisaanka Cuslaa Ee Ka Soo Jeeda Beesha Musharax Muuse Biixi Oo Maalinta Bari ah Ku Biiraya Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiyiintii Ugu Miisaanka Cuslaa Ee Ka Soo Jeeda Beesha Musharax Muuse Biixi Oo Maalinta Bari ah Ku Biiraya Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani
August 23, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)hormadii ugu miisaanka cuslayd oo isugu jira Siyaasiyiin,Dhakhaatiir,Aqoonyahano iyo Dhalin yar ayaa maalinta bari ah si rasmi ah ugu biiraya xisbiga mucaaradka ah ee Wadani,hormadan miisaanka culus leh oo badidoodu xilal badan ka soo qabtay dalka sidoo kalana saamayn culus ku leh raasaska ay ka soo kala jeedaan ayaa wax wayn ka badali doona cududa Xisbiga Wadani.

wad

Udiyaar garowga soo dhawaynta siyaasiyiintan ee xisbiga Wadani ayaa caawa aad looga dareemayaa caasimada Hargaysa,iyada oo lagu qaban doono xafladan maalinta bari ah Hotel Maansoor ee caasimada Hargaysa waxaanay  kor u dhaafayaan siyaasiyiintani 25 xubnood oo dhamaantood oo ka soo kala  jeeda guud ahaan beelaha somaliland iyadoo xubno culus beesha Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  ay qayb kayihiin  waxaana  ka mid ah siyaasiyiintan, Axmed jambiir Suldaan oo hore u ahaa wasiirkii Arimaha Gudaha  ee xukuumadihii kala danbeeyay,Cabdilaahi  ismaciil Cali (C/laahi Ciro )oo isna xilal kala duwan ka soo qabtay dalka markii u danbaysayna ahaa wasiirka arimaha Gudaha ee xukuumadii Rayaale,

sidoo kale waxaa isaguna qayb ka ah Wasiirkii Boostada iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac F Abgaal  oo wax yar ka sii maqan xukuumadan Madaxwayne Silaanyo oo dhawaanuun laga qaaday xilkaas wasiirnimo  kaasi oo saamayn culus ku leh gobolka awdal waxaa iyaguna qayb ka ah xubno kale oo miisaan culus leh oo ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee deegaan  Gacamay, oo kasoo jeeda gobolka sanaag Prof. Ibrahim Maxamed Meecaad oo isna kamida aqqonyahan reer somaliland kana soo jeeda gobolada gabiley iyo marodi jeex  Muj.Ciise Curaagte isna kamid ahlgamayaashii Snm kana soo jeeda saaxil  iyo siyaasiyiin kale oo culus

dhanka kale waxaa xubnaha kusoo biiraya xisbiga wadani hormuud ka ah maamulkii hore ee degmada Daarasalaam ee gobolka maroodi jeex gudoomiyihi Maxamed kibaar iyo gudoomiye kuxigeenkiisii iyo xubin kale oo dhalinyaro ah kaasi door culusku leh dhalinyarada caasimada Mr CabdilAAHI

Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiinta dalka ayaa si xawli ah u soo galaya xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo iyagu u arka in uu yahay xisbiga badbaadin kara dalka

 

 

COMMENTS
LINKS