|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Dooda Murashaxiinta Sadexda Xisbig Iyo Cida Dhex Dhexaadin Karta
August 4, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay dooda loo qabtay murashaxinta sadexda xisbi ee ku tartamaya doorashada madaxtinimada somaliland. Siyaasi Cali Guray oo qoraal uu kaga hadlay dooda murashaxiinta ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sidoo kale ka waramay cida dhex dhexaadin karta dooda murashaxiinta, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:- Marka horeba hadii ay dood tahay kuma fiicna sedex dhinac waxay ku haboon tahay marba laba dhinac. Cidda doodaysaa maaha xisbiyo waa musharaxiin Madaxwayne. Labada faras ee la isu faaninayo ee laga yaabo in midkood uu noqon doono Madaxwaynaha soo socda ayay tahay inay doodo dhawr ah wada galaan. Waraysiga( interview) iyo dood (debate) waa laba wax oo aad u kala duwan laakiin ssuxufiyiinteena dhalinta yar aan u kala soocnayn oo xataa waraysiyada khaaska ah markay qaadayaan ayaad ka garanaysaa. Markaa dood sedex dhinac ah waxa ka fiican Musharax kastaa inu labada musharax ee kaleba soo maraa uu la doodaa. In kasta oo Faysal uu isagu ka reebay xisbigiisu inu tartamo isaguna aan cid ka shegaysanayaa jirin hadalo qurux badan marka la og yahay inu laba goor oo hore taetamay maantana aanu ahayn musharixii xisbigiisa loogu codayn lagaa hadana inu iska hadhadlo dad baa xiisayn lahaa.
Related posts:Haayada Caymiska Somaliland Oo Heshiish La Gashay Jaamacad Ku Taala Dalka Malaysia Iyo Arimaha Ay Ka... Suldaan Mawliid Cali Ibraahim(Sabayso) Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Shacabkii Reer Somaliland Ee Uu ... Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland Xuska Sanad Guurada 30th Ee Madax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|