Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Dooda Murashaxiinta Sadexda Xisbig Iyo Cida Dhex Dhexaadin Karta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Dooda Murashaxiinta Sadexda Xisbig Iyo Cida Dhex Dhexaadin Karta
August 4, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay dooda loo qabtay murashaxinta sadexda xisbi ee ku tartamaya doorashada madaxtinimada somaliland.

Siyaasi Cali Guray oo qoraal uu kaga hadlay dooda murashaxiinta ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sidoo kale ka waramay cida dhex dhexaadin karta dooda murashaxiinta, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:-

Marka horeba hadii ay dood tahay kuma fiicna sedex dhinac waxay ku haboon tahay marba laba dhinac. Cidda doodaysaa maaha xisbiyo waa musharaxiin Madaxwayne.

Labada faras ee la isu faaninayo ee laga yaabo in midkood uu noqon doono Madaxwaynaha soo socda ayay tahay inay doodo dhawr ah wada galaan.

 
Laakiin cidda Moderator-ka noqonaysaa maaha dhexnimada uun waxa looga baahan yahay ee waa xirfad gaar ah oo la xidhiidha mawduuca Communication (Managemant by facilitation) maaha in qof kastaaba noqon karo Moderator waxa noqda Communication Experts ama ugu yaraan qof wax ka yaqaan xirfadaha gaarka ah ee doodaha loo daadihiyo. Waana inu yahay qof baadhis soo sameeyay ama haya baadhis la sameeyay arimaha laga doodayo.

Waraysiga( interview) iyo dood (debate) waa laba wax oo aad u kala duwan laakiin ssuxufiyiinteena dhalinta yar aan u kala soocnayn oo xataa waraysiyada khaaska ah markay qaadayaan ayaad ka garanaysaa. Markaa dood sedex dhinac ah waxa ka fiican Musharax kastaa inu labada musharax ee kaleba soo maraa uu la doodaa. In kasta oo Faysal uu isagu ka reebay xisbigiisu inu tartamo isaguna aan cid ka shegaysanayaa jirin hadalo qurux badan marka la og yahay inu laba goor oo hore taetamay maantana aanu ahayn musharixii xisbigiisa loogu codayn lagaa hadana inu iska hadhadlo dad baa xiisayn lahaa.

 

IMG_C9166D-089D6B-AED8F7-B131F6-E611D7-36850A

COMMENTS
LINKS