|
|||||
WAJAALE NEWS
Sacuudiga Oo Qadar Ku Eedeeyay Carqaladeynta Xujeyda
August 21, 2017 - Written by Reporter:Doha,(W,N)-Shirkadda diyaaradaha qaran ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dowladda Qadar aanay weli siin ogolaansho ah inay dalkaasi kasoo daabusho dadka doonaya in sanadkan ay soo xajiyaan. Labada dal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasi, taasoo keentay in xukuumadda Riyad iyo dalal kale oo xulafo la ah ay xidhiidhka u jaraan Dooxa, isla markaana ka xidhaan xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.
Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay soohdinteeda u furayso xujeyda Qadar, tallaabadaasi oo u muuqatay mid muujinaysa in xiisadda ay hadda hoos u dhacday. Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga ayaa sheegaysa in maalmo ka hor ay u gudbisay xukuumadda Qadar codsi ah inay dalkaasi ka qaado xujeyda doonaysa inay hawada ku safraan, balse aanay wax jawaab ah helin. Dalalka go’doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay inay taageerto ururo ay ku sheegeen argagixiso, eedeyntaasi oo ay beenisay xukuumadda Dooxa. Related posts:DAAWO;-Xisbiga Wadani Oo Soo Bandhigay Xaaladda Guud Ee Xabsiyadda Iyo Saldhigyadda Somaliland. Prof Ibrahim Meecaad Oo Si Adag Uga Hadlay Duulaanka Ay Somaliland Ku Hayaan Ismaaciil Gumar Geele I... Daawo:Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani Oo Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Mudada Loo Qoondeeyay In Uu ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|