QM Oo Ka Walaacsan Xaaladda 20 Million Oo Qof Oo Ku Nool Waddamo Ay Kamid Tahay Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QM Oo Ka Walaacsan Xaaladda 20 Million Oo Qof Oo Ku Nool Waddamo Ay Kamid Tahay Soomaaliya
August 23, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N) –Ku-dhowaad 20 milyan oo qof oo ku nool waddamada Yemen, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo waqooyi-bari dalka Nigeria, ayaa qarka u saaray xaalad macluul ah iyo in qaarkood hore ay u soo martay macluusha,sida ay sheegeen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhibaatada dabiiciga ah waa arrin wax ku ool ah, laakiin dhibaatada badankeeda waxaa ay tahay mid dadka ka yimid oo haddana ay saameysay.

Dalka Koonfurta-Suudaan, halganka u dhexeeya Madaxweynaha Salva Kiir iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Riek Machar, ayaa keentay qulqulka qoxootiga, iyagoo ka cararaya dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalkaasi bishii December 2013-kii.

 

20178236363904569193293582017822636389628288390059humana

 

 

Dalka Yemen iyo waqooyi-bari Nigeria, ayaa iyagana lamid ah oo ay ka jiraan dagaallo sokeeye oo ay wadaan kooxo dowladdaha dalalkaasi la dagaallamaya.

Dalka Yemen 7 million oo qof ayaa u baahan gar-gaar deg-deg ah halka 10 million oo kalena ay gaajeysanyihiin.

Sidaasi si lamid ah dalka Soomaaliya oo dagaallo sokeeye ay muddo ka socdeen, ayaa dadka nool waxaa ay la kulmeen musiibo kedis ah oo macluul ah.

Nus kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa sandkan waxaa ay noqeen kuwo u baahan in gar-gaar deg-deg ah lala soo gaadho, taas oo dunida aysan ka bixin jawaabtii laga filayay, sida warka lagu yidhi.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa dhinaca kale xustay in dadkaasi ay xaaladooda tahay mid quus ah.

COMMENTS
LINKS